Maxay wasaaradda arrimaha dibedda Mareykanka ka tiri aqoonsiga Somaliland?

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Washington (Caasimada Online) – Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka ayaa caddeysay inaan wax isbeddel ah ku imaan siyaasadda Washington ee ku wajahan Soomaaliya, inkastoo ay soo kordhayaan baaqyada ka imanaya sharci-dejiyeyaasha Xisbiga Jamhuuriga, ee dalbanaya in Maraykanku uu aqoonsado Somaliland.

Sarkaal ka tirsan wasaaradda oo la hadlay warbaahinta Semafor, kuna xiray shardi ah inaan magaciisa la shaacin, ayaa sheegay in Maraykanku uu weli ku adkeysanayo mowqifkiisa rasmiga ah ee Soomaaliya, inkastoo arrinta Somaliland ay tahay mid si joogto ah dib loogu eego.

Warkan ah ayaa soo baxay ka dib markii uu Senator Ted Cruz toddobaadkii tegay ku boorriyay maamulka Trump inuu si rasmi ah u aqoonsado Somaliland, isagoo ku sifeeyey inay Washington u tahay “saaxiib istiraatiiji ah oo dhinacyada amniga iyo diblomaasiyadda ah.”

Cruz, oo ah guddoomiyaha Guddiga Hoose ee Arrimaha Afrika ee Aqalka Senate-ka, ayaa hoosta ka xarriiqay muhiimadda istiraatiijiyadeed ee goobta ay Somaliland kaga taallo Gacanka Cadmeed. Dhanka kale, wuxuu Beijing ku eedeeyey inay Somaliland ku ciqaabayso taageerada ay u muujisay Taiwan.

Dhankiisa, Trump ayaa isna sii huriyay hadal-heynta markii uu waraysi uu dhowaan bixiyay ku sheegay in maamulkiisu uu “ka shaqeynayo” arrinta Somaliland.

Hadalka Trump ayaa jawaab u ahaa su’aal ku saabsanayd in dadka reer Gaza loo rari karo Somaliland, taasoo ah fikrad la sheegay inay ku xiran tahay suurta-galnimada in Somaliland ay arrintaas aqbali lahayd, beddelkeedana la siiyo aqoonsi caalami ah. Dadka taageera Somaliland ayaa hadalka Trump u arkay mid rajo wanaagsan xambaarsan.

Dhinacyada ol’oleeya aqoonsiga Somaliland waxay muddo dheer ku doodayeen in ictiraafka Maraykanku uu abaal-marin u noqon lahaa xasilloonida iyo dowlad-wanaagga dimoqraadiga ah ee ka hana-qaaday, taasoo ka duwan Soomaaliyada ay colaaduhu aafeeyeen. Waxay kaloo qabaan in xiriir dhow oo lala yeesho Somaliland uu sare u qaadi lahaa awoodda sirdoonka Maraykanka ee gobolkan qalalaasuhu ka jiro, oo ah gobol uu Shiinuhu horeyba saldhig milatari oo joogto ah uga samaystay dalka deriska ah ee Djibouti.

Hase yeeshee, Dowladda Beijing ayaa si kulul u naqdisay baaqa Cruz, waxayna ku tilmaantay sheegashadiisa “eedeymo aan sal lahayn.” War saxaafadeed ka soo baxay Safaaradda Shiinaha ee Muqdisho ayaa siyaasiyiinta Maraykanka ku eedeeyey “faragelin qaawan oo lagu hayo arrimaha gudaha ee Soomaaliya” iyo inay wadaan “dhaqan is-ballaarin iyo cagajugleyn ah.”

Somaliland, oo gooni-isu-taaggeeda kaga dhawaaqday Soomaaliya inteeda kale sannadkii 1991, ayaa sannadkii hore qabatay doorashadeedii lixaad, taasoo uu guushu ku raacday hoggaamiyihii mucaaradka, Abdirahman Mohamed Abdullahi. Inkastoo ay Somaliland leedahay dowlad iyo hay’ado u gaar ah oo si madax-bannaan u shaqeeya, weli ma jiro hal dal oo si rasmi ah u aqoonsan gooni-isu-taaggeeda.

- Advertisement -

Read more

Local News