Maxay yihiin caqabadaha horyaalla madaxweyne Xasan?

Muqdisho (Caasimada Online) – Diini Maxamed Diini oo ah oo guddoomiyihii hore ee ururada bulshada rayidka ah oo wareysi siiyey Universal TV ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo isbeddalka dhacay, kadib doorashadii 15 bishaan May ee 2022-ka.

Diini ayaa si gaar ah wareysigan diiradda ugu saaray caqabadaha horyaalla Madaxweynaha cusub, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo lagu wado inuu beri xilka la wareego.

Guddoomiyihii hore ee ururada bulshada rayidka ah ayaa xusay dhibaato xoogan iyo caqabado ay abuurtay xukuumaddii hore ay horyaallaan Xasan Sheekh, isaga oo tusaale usoo qaatay Social Media oo ay si aad ah u adeegsanayeen kooxda Madaxweyne Farmaajo.

Sidoo kale wuxuu sheegay inuu amniga jooga meel ka hooseysa halkii uu ku ogaa Madaxweynaha cusub ee mar labaad loo doortay hoggaanka Villa Soomaaliya.

“Horta caqabad kasta oo xukuumaddii isaga ka horeysay ay abuurtay oo ma aragtay dadkii hada borobagaanto aad u xoog badan lagu faafiyey oo ay ka mid tahay caqabadaha Social Media oo Ummaddii Caalamka Involved ku ah iyo caqabado horey u jiray oo runtii meesha uu uga tegay meel ka liidato hadda maraayo sida amniga oo kale” ayuu yiri Diini Maxamed.

Dhinaca kale wuxuu intaasi ku daray in sidoo kale ay sugayaan caqabado kale oo ka dhashay isbeddallada ka dhacay dalal badan oo ku yaalla caalamka.

“Waxaa is leeyahay caqabado horey u jiray iyo kuwa ay abuurtay xuukuumaddii isaga ka horreysay iyo caqabado la xiriira caalamka isbedalka ku dhacay oo siyaasadeed intaas oo dhan waa sugeysaa,” ayuu markale wareysigan ku yiri aqoonyahan Diini Maxamed Diini.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyada oo haatan Madaxweyne Xasan Sheekh uu ku howlan wada-tashiyo ku aadan dhismaha dowladdiisa cusub oo ay ugu horreysay xukuumadda, gaar ahaan soo magacaabidda ra’iisul wasaaraha cusub oo laga sugayo inuu ku dhowaaqo.