Muqdisho (Caasimada Online) – Dhowr jug ayaa caawa laga maqlay gudaha magaalada Muqdisho, waxaana ka soo baxay warar kale, balse Booliska ayaa ugu dambeyntii war kooban ka soo saaray.
Taliyaha Qeybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir Macalin Mahdi oo qoraal kooban soo saaray ayaa sheegay in jugta la maqlay ay aheyd ‘dabrid.’
“Waxaa lagu wargalinyaa shacabka ku nool Caasimada gaar ahaan agagaarka Dagmada waabari dhawaqa aad maqli doontaan saacadu marka ay tahay 19:30 ilaa 20:PM Fiidnimo in uu yahay dhawaq nabadeed ee uusan aheen mid wax yeelaya muwaadininta naf iyo maal,” ayuu yiri Taliye Mahdi Cumar Muumin.
Warbixinta Booliska oo ka soo haaday ayaa sababtay qalqal ay dareentay bulshada ku nool magaalada Muqdisho, maadaama ay maqleen dhowr jug oo is dabajoog ah.
Baraha Bulshada ayaa ka qeyb qaatay qalqal gelinta, iyadoo dhowr qof ay soo qortay in hoobiye iyo qaraxyo ay ka dhacayaan gudaha Muqdisho, taas oo boolisku beeniyey.
Magaalada Muqdisho ayaa muddooyinkii dambe kasoo kabatay qaraxyadii iyo weerarraddi Al-Shabaab, waxayna shacabka caasimadda ka nasteen amni darro muddo dheer heysatay.