Maxay yihiin 3-da arrin ee Xasan Sheekh u tegay Eritrea?

Asmara (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo shalay ka ambabaxay magaalada Muqdisho ayaa gaaray magaalada Asmara ee caasimada wadanka Eritrea, halkaas oo ay uga bilaabatay booqasho afar maalmood ah.

Madaxweyne Xasan ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Asmara kusoo dhaweeyey dhiggiisa dalkaasi, Asaias Afwerki, isaga oo uu la yeeshay kulan horudhac ah.

Haddaba Maxay yihiin saddexda arrimood ee madaxweyne Xasan u tegay Eritrea?

Cumar Yuusuf oo falanqeeya arrimaha Soomaaliya, isla-markaana ah bare jaamacadeed ayaa wareysi uu siiyey BBC ku soo koobay booqashada madaxweynaha saddex arrimood.

Qodobka koowaad wuxuu ku sheegay inuu madaxweynuhu doonayo inuu ka dhabeeyo ballan-qaadkiisii ahaa inuu dib usoo celinayo dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku maqan dalkaasi, kuwaas oo ay marar badan walaac iyo cabasho laga muujiyey xaaladdooda.

“Ballan-qaadyadii ugu muhiimsanaa ee madaxweyne Xasan Sheekh Maxaxamuud sameeyey waxaa ka mid ah inuu ciidankaasi, haddii uu ku guleysto xafiiska, sida ugu dhaqsiyaha badan uu kusoo celin doono,” ayuu yiri falanqeeye Cumar Yuusuf.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay qodobka labaad uu yahay mid uu ku doonayo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud inuu ku xoojiyo xiriirka arrimaha dibadda, maadaama shantii sano ee lasoo dhaafay lagu soo koobay dalal dhowr ah, sida Itoobiya, Eritrea iyo Qatar.

“Xiriirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya ay la laheyd wadamada dariska iyo caalamkaba waxaa muuqatay in dhowr wadan Soomaaliya ay xooga saartay 5-tii sano ama maamulkii hore, marka waxaan is dhihi karnaa madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu rabaa in dowladihii ay isku dhawaayeen 5-tii sano ee la soo dhaafay Soomaaliya oo Itoobiya, Eritrea iyo Qatar ay ka mid tahay iyo dowlado kaleba inuu isku wado,” ayuu sii raaciyey.

Ugu dambeyn wuxuu shaaciyey in arrinta saddexaad ay tahay dardar-gelinta dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, si ay qayb uga noqdaan ciidamada haatan laga soo celinayo Eritrea.

“Madaxweyne Xasan Sheekh waxaa la’is dhihi karaa wuxuu wadaa abaabul ka dhan ah Xarakada Shabaabul Mujaahidiin waxaa macquul ah iyadana in ciidamadaas soo celintooda ay qayb ka noqon doonto howlgallo ay rabto in ay dowladdu billowdo,” ayuu markale yiri.

Si kastaba, arrinta dhalinyarada ku maqan Eritrea ayaa soo jiitameyso sanadihii dambe, waxaana shakiga uu sii xoogeystay markii lasoo wariyey in laga dagaal geliyey Itoobiya.