Hargeysa (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka Somaliland, ayaa waxay sheegayaan in maxkamad ay ay dil toogasho ah ku xukuntay xildhibaan ka tirsan golaha deegaanka Hargeysa.
Sida warku sheegayo Maxkamadda magaalada Hargeysa ayaa shalay dil toogasho ah ku xukuntay Mustafe Cismaan Daahir, kaas oo hore u dilay nin ay saaxiibo ahaayeen goor habeenimo aheyd, waxaana dooda xildhibaanka dilka geystay oo muddo dheer ka socotay magaalada Hargeysa ugu dambeyn ay Maxkamaddu go’aan kama dambeys ah ku gaartay in dil toogasho ah lagu fuliyo xidlhibaan Mustafe Cismaan Daahir sidaasina ay ku qanceen qoyskii uu ka dilay ninka ay saaxiibada ahaayeen.
Maxkamadda ayaa sheegtay in sharciga Islaamka ay u fiiriyeen dilka toogasho ee ay xildhibaanka ku xukumeen.
Xildhibaan Mustafe Cismaan Daahir ayaa shalay la horgeeyay Maxkamadda magaalada Hargeysa, taas oo soo gabagabeysay dhageysiga dacwaddiisa oo in muddo ah socotay, waxaana ay shalay ku dhawaaqday xukun dil ah, kaas oo ay u cuskatay xeerka ciqaabta guud iyo shareecadda Islaamka.
Mustafe Cismaan Daahir oo ahaa Xildhibaan golaha deegaanka ah oo ka soo baxay urur siyaasadeedkii Ummadda in badana xukunkiisa la sugayey, waxaa lagu wadaa inuu jagadiisa buuxiyo xildhibaankii ku xigay oo ka dhursugayey xukunkan, isla markaansa dood badan oo dhinaca sharciga ahi ka hor taagnayd in uu kursigiisa buuxiyo.
Lama shaacin waqtiga la fulin doono xukunkan lagu riday xildhibaanka.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]