28.7 C
Mogadishu
Monday, April 27, 2026

Maxkamad Kenya oo 10 sano ku xukuntay nin Soomaali ah oo lagu helay…

Bookmark
Bookmarked

Share

Nairobi (Caasimada Online) – Maxkamad ku taalla deegaanka Kahawa ee dalka Kenya ayaa xukun 10 sano oo xabsi ah ku ridday nin Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Cabdikariim Xasanow Xasan kadib markii lagu helay dambiyo la xiriira ururka Al-Shabaab.

Sida laga soo xigtay Xafiiska Agaasimaha Dacwad-oogista Kenya (ODPP), eedeysanaha ayaa lagu helay inuu si toos ah ugu lug lahaa ka mid noqoshada iyo taageeridda ururka Al-Shabaab, oo ay Kenya u aqoonsan tahay urur argagixiso.

Warbixinta ODPP ayaa sidoo kale sheegtay in Cabdikariim uu door ka qaatay qorista xubno cusub oo lagu biirinayay ururka, isaga oo dhalinyaro ku qancinayay inay ku biiraan Al-Shabaab.

Maxkamaddu ayaa caddeysay in eedeysanuhu abaabulay kulamo lagu taageerayo ururka, kuwaas oo lagu faafinayay fikradaha xagjirka ah iyo qorsheyaasha la xiriira hawlaha Al-Shabaab.

Cabdikariim oo sidoo kale loo yaqaan Cali ayaa lagu helay inuu fududeeyay safarro ay dhalinyaro uga ambabaxeen gobolka Migori ee dalka Kenya, kuwaas oo loo qaaday dhanka Soomaaliya si ay ugu biiraan ururka.

Sidoo kale, maxkamaddu waxay sheegtay in ninkan uu bixiyay taageero lacageed iyo hagitaan la xiriira safarrada iyo isku xirka xubnaha cusub ee Al-Shabaab.

Intii ay socotay dhageysiga dacwadda, maxkamaddu waxay dhegeysatay afar marqaati, kuwaas oo si faahfaahsan u caddeeyay doorka muuqda ee eedeysanuhu ku lahaa hawlaha ururka.

Garsooraha maxkamadda, Boaz Ombewa ayaa sheegay in caddeymaha la horkeenay maxkamadda ay muujinayaan in eedeysanuhu si toos ah uga qayb qaatay qorista xubnaha cusub, faafinta fikradaha xagjirka ah iyo abaabulka hawlaha Al-Shabaab.

Si kastaba, garsooraha ayaa amray in xukunada lagu riday eedeysanaha ay noqdaan kuwo isla socda (concurrent), taasoo ka dhigan inuu wada qaadan doono muddada xabsiga ee 10-ka sano ah ee lagu xukumay.

- Advertisement -

Read more

Local News