26.6 C
Mogadishu
Friday, June 27, 2025

Maxkamada ICC oo dalbatay in loo soo gacan galsho Saif al-Islam Gaddafi

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah ICC, ayaa ku baaqday in loo soo gacan galsho wiilka uu dhalay marxuum Muammar Gaddafi oo dhawaan lasii daayay.

Maxkamada ayaa sheegtay in Saif al-Islam Gaddafi uu geystay danbiyo xasuuq ah, mudadii uu noolaa aabihii iyo wixii ka danbeeyay.

Saif al-Islam Gaddafi, oo muddo 6 sano ah xirnaa ayaa waxa ay Saraakiisha ICC, sheegen inaan weli lagu sameyn baaritaankii la doonaayay, sidaa darteedna waxa ay ku baaqen in lasoo gacan galiyo ICC.

Waxa ay sheegen in danbiyada uu geystay Saif al-Islam Gaddafi, ay yihiin kuwo u badan dambiyo ka dhan ah aadanaha inta lagu guda jiray isku daygii dawlada Qadafi in ay la diriraan mucaaradkii kasoo horjeeday.

Saif al-Islam Gaddafi, ayaa mudadii uu xirnaa ku jiray gacanta Ciidamada Abu Bakr al-Siddiq kuwaa oo ku hayay magaalada galbeed ee Zintan tan iyo bishii November 2011-kii.

Sidoo kale, Maxkamada ICC, ayaa Saif al-Islam Gaddafi, ku eedeysay inuu dilay tiro badan oo muwaadiniin ah kuwaa oo la sheegay inay kasoo horjeeden maamulka Muammar Gaddafi.

Si kastaba ha ahaatee, dacwada Saif al-Islam Gaddafi ee ICC, ayaa u muuqaneysa mid dheeran doonta, waxaana mar waliba suuragal ah in loo gacan galsho Maxkamada ICC.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News