Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Ciidamada Qalaba Sida ayaa guda gashay dhageysiga kiis xasaasi ah oo baraha bulshada iyo warbaahinta ka dhaliyay hadal-heyn xooggan, kaas oo ka dhan ah labo Askari oo ka tirsan Xoogga dalka dalka, kuwaas oo loo haysto in ay sameeyeen saxiix aysan xaq u lahayn oo ay ku dhimatay gabar xaamilo ahayd.
Labada eedeysane oo lagu kala magacaabo Dable Xoogga Maxamed Muxudiin Cali iyo Dable Xoogga Cabdisalaan Xuseen Maxamed ayaa kiiskan eedeysane ka ah, waxaana si gaar ah loogu haystaa geerida Marxuumad Nimco Muuse Axmed oo uur lahayd, isla markaana 31-kii Maarso 2025 ku dhimatay isbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho.
Xeer ilaalinta Maxkamadda Ciidamada ayaa labada nin ku eedeysay in ay iska dhigeen seyga gabdha iyo walaalkeed, kadibna saxiixay in la qalo, balse nasiib darro waxa ay ku geeriyootay isbitaalka intii lagu guda jiray kala bad-baadinta iyada iyo ilmaha ku jiray caloosheeda.
Sidoo kale inta ay doodda socotay waxaa la wareystay eedeysanayaasha oo sheegay in bani’adanimo ay u sameeynayeen gabadha, ayna u sheegtay in wax ehel ah aanay u joogin Muqdisho, sidoo kalena ninkeeda oo askari ah uu ku maqan yahay furimaha dagaaka.
Xafiiska xeer ilaalinta ayaa goobta kusoo bandhigay caddeymo ay ku jiraan muuqaal labada askari laga duubay, markii ay saxiixayeen qaliinka lagu sameeyay marxuumadda, iyadoo sidoo kale la wareystay dhaqaatiirta iyo maamulka isbitaalka oo ka warbixiyay sida ay wax u dhaceen.
Intaas kadib waxaa hadalka qaatay guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur (Shuute) oo fadhiga soo xiray, wuxuuna sheegay in go’aanka kama dambeysta ah ay dib kasoo shaacin doonto Maxkamaddu.
Haddaba sidee looga falceyay kiiskan xasaasiga ah ee abuuray hadal-heynta?
Kamaal Shariif: “Waa rag fiican waa dadaaleen, laakiin Soomaalida horaa u tiri khayr ha sameyn shar kuuma timaadee”.
Cali Yare: “Meshaan waxaa iiga muuqato dayacaad aad u weyn oo ay waalidka sameeyeen xaqiiqdii. Waa dhacdo ayaan darro ah, bal qiyaas gabar yar oo waalidkeed dayaceen oo Xamar joogta, Wlhi rafaad ayey martay marxuumada, Allaha u naxariisto”.
Safwa Salaad: “Somalia laga helaa reer ku nacay adoo nool, kadib diyadaadii usoo doonta dadkii ku caawiyay”.
Cabdullahi Biikoole: “Dowladnimo waa taa sharcigaa lays barayaa, wiilasha waxey qaadeen masuuliyad ay naftooda qatar u gashay, isbitaalkana wuu saxnaa. Waxaan baraneynaa sharciga”.
Jamiila Faarax: “Raggan qalad malahan gabdha waa u dadaaleen laakiin qadarta lama celin karo dadka ku haystana waa gun runtii”.