24.4 C
Mogadishu
Wednesday, January 28, 2026

Maxkamadda Ciidanka oo xukun adag kasoo saartay dhacdooyinkii Wanlaweyn

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa maanta xukunno adag kasoo saartay dhacdooyinkii kala duwanaa ee dhawaan ka dhacay gudaha degmada Wanlaweyn iyo duleedkeeda, kuwaas oo si weyn looga argagaxay.

Maxkamadda oo kiiskan siisay waqti ku filan, kuna dhageystay xeer ilaalinta iyo sidoo kale qareennada u doodayay eedeysanayaasha ayaa ugu dambeyn soo saartay xukunno isugu jir dil toogasho ah, xabsi ciidan iyo sii deysmo, sida uu ku dhawaaqay Gaashaanle Sare Cabdullaahi Abuukar Xasan Shadoor oo ka tisan Garsoorka Maxkamadda Ciidamada.

Xasan Buulle Isaaq, Yuusuf Aadan Xuseen (Suuley), Abshir Cabdow Xasan Made, Maxamed Sayid Cumar Awbiime, Cumarey Iskoy Maame, Abuukar Daa’uud Cismaan, Liibaan Abuukar Cumar (Shiine), Yuusuf Abuukey Maamo iyo Jamaal Maxamed Qaadi ayaa lagu xukumay dil toogasho ah.

Dhammaan raggan ayaa lagu helay dil wadareed ka dhacay Warta Cismaan oo qiyaastii 8M u jirta degmada Wanlaweyn, laguna dilay 12 qof iyo falkii lagu gubay Isaaq Daa’uud Maxamed ee ka dhacay aagga degmada Wanlawayn ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Sidoo kale, Cali Isxaaq Guuleed (Cali Yariis), Fu’aad Axmed Maxamed (Duqow), Deeqow Cismaan Nuunow, Ciise Cabdi Maxamed (Calaan), Xuseen Maxamed Qaasim iyo Cabdi Maxamed Cismaan (Cabdi Tuure) oo maqanayaal ah ayaa iyaguna lagu xukumay toogasho.

Dhammaantood waxaa iaygana raggan loo haystaa weerar lagu dilay illaa 5 qof, laguna dhaawacay 5 kale oo ay ku qaadeen Ceelka Yaaqbariweyne, muwaadin si fool xun loogu dilay isla Yaaqbariweyne iyo falal kale oo ay kamid tahay jidgooyo lagu dhibaateeyo masaafurka.

Cabdifitaax Sokorey Gaduudow, Daahir Mukhtaar Shibow, Saaax Xuseen Cali, Cabdixamiid Cabdullahi Siidow, Maxamed Daahir Cismaan iyo Muslimo Cabdi Kuusow oo iyaguna kaalin ka qaatay dhacdadii foosha xumeyd ee muwaadinka lagu gubay ayaa sidoo kale lagu xukumay min 5 sano oo xabsi ciidan ah.

Dhinaca kale, Maxkamadda Ciidamada ayaa sii deysay Axmed Saalax Abuukar, Qaasim Cabdi Xasan Amiin, Abuukar Yuusuf Cali Axmed iyo Cismaan Cabdulle Caliyow, kadib markii lagu waayay eeddii xafiiska xeer ilaalinta Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida.

- Advertisement -

Read more

Local News