Maxkamadda sare ee Galmudug oo sharciyaysay xil ka qaadista Xaaf iyo madaxda kale

Cadaado (Caasimada Online) – Makamadda sare ee maamulka Galmudug ayaa goor dhow shaacisay go’aaanka kama dambeysta ah ee murankii ka dhaxeeyay madaxda sare ee maamulkaasi.

Qoraal kasoo baxay maxkamadda ayaa lagu ayiday go’aannadii ay gaareen xildhibaannada baarlamaanka maamulkaasi ee xilalka looga kala qaaday madaxda sare ee Galmudug.

Waxay maxkamaddu sheegtay in madaxweyne Xaaf, ku xigeenkiisii, guddoomiyaha baarlamaanka Galmudug iyo ku xigeenkiisa Koowaad xilalka looga qaaday si sharci ah.

Hoos ka aqriso go’aanka maxkamadda