28.5 C
Mogadishu
Wednesday, December 31, 2025

Maxkamadda Sare oo riday go’aan ka dhan ah wasiir ka tirsan dowladda Soomaaliya

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Mihnadleyaasha Caafimaadka Qaranka (NHPC) ayaa ku ammaanay go’aanka Maxkamadda Sare ee Soomaaliya, kadib markii ay maxkamaddu baabi’isay magacaabistii Wasaaradda Caafimaadka.

Wasiirka Caafimaadka, Dr Cali Xaaji ayaa dhawaan magacaabay Xoghayaha Guud ee guddiga, isagoo xilka ka qaaday Xoghayihii hore. Golaha Mihnadleyaasha Caafimaadka Qaranka ayaa go’aanka maxkamadda ku tilmaamay mid muujinaya madax-bannaanida golaha.

Maxkamadda Sare oo xukunkeeda ku dhawaaqday 27-kii Noofambar 2025, waxay meesha ka saartay go’aankii wasaaraddu soo saartay 29-kii Maajo 2025, kaas oo lagu magacaabay Maxamed Maxamuud Aadow.

Maxkamaddu waxay caddeysay in Wasaaradda Caafimaadka aanay sharciyan u lahayn in ay sameyso magacaabistan, waxayna amartay bixinta $300 oo kharashka dacwadda ah, iyadoo la fulinayo 30 maalmood gudahood.

Golaha oo ka kooban 15 xubnood waxaa laga soo xulaa wasaaradaha dowladda sida Caafimaadka, Waxbarashada iyo Caddaaladda, ururrada xirfadlayaasha, qaybaha caafimaadka gaarka loo leeyahay, iyo bulshada rayidka ah. Guddoomiyaha iyo ku-xigeenkiisa waxaa dhexdiisa ku doorta xubnaha golaha, sida uu sheegay goluhu.

Sida ku cad dacwaddii goluhu gudbiyey 2-dii Luulyo 2025, taas oo ku salaysnayd warqad ka timid Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud, waxaa la xaqiijiyay in goluhu yahay hay’ad si madax-bannaan u shaqaysa, ayna Wasaaraddu awood u lahayn magacaabista Xoghayaha Guud.

Guddoomiye Cumar Daahir Maxamuud, oo Axaddii shir jaraa’id qabtay, ayaa xusay in xukunka Maxkamadda Sare uu si cad u muujinayo madax-bannaanida golaha isla markaana uu meesha ka saarayo magacaabistii sharci-darrada ahayd.

Wuxuu sidoo kale sheegay inuu ku faraxsan yahay in maxkamaddu garowsatay awoodda sharciga ah ee golaha, isla markaana la buriyay dhammaan tallaabooyinkii ka dhashay magacaabistii hore.

Wasaaradda Caafimaadka iyo Mas’uulka la magacaabay ayaan weli ka jawaabin go’aanka maxkamadda.

- Advertisement -

Read more

Local News