Boosaaso (Caasimada Online) – Faah-faahinno dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howlgal cir iyo dhul oo xalay iyo shalay ka dhacay qaybo kamid ah buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari, kaas oo lagu beegsaday maleeshiyaad ka tirsan kooxda Daacish.
Howlgalkan oo ay iska kaashadeen ciidanka difaaca Puntland iyo saaxibada caalamiga ah ayaa waxaa lagu beegsaday godad ay ku dhuumaaleysanayeen argagixisada.
Sidoo kale, ciidamada howlgalka sameeay ayaa dul tegay maydadka xubno Daacish oo qalalay, isla markaana looga tegay godad ku yaall buuraha hoostooda, sida ay shaacisay Puntland oo warsaxaafadeed soo saartay.
“Maydadka Argagixisada Daacish ee lagu laayay Hawlgalka Calmiskaad, ayaa loogu tegay Godadka iyagoo qalalay, ciidanka ayaa weli sifeynaya Firxadka” ayaa lasii raaciyay.
Sidoo kale waxaa qoraalka lagu sheegay in weli ciidamadu ay sii baacsanayaan firxadka kooxaha argagixisada ee ku dhuumaaneysanayaa buuraha hoostooda ee gobolka Bari.
“Hawlgalku waa cir iyo dhul. Firxadka Argagixisada ayaa laga sifeynayaa Godadka harsan ee ay ku dhuumaalaysanayaan” ayaa lasii raaciyay qoraalka kasoo baxay Puntland.
Howlgalladan waxaa barbar socda dagaallo toos ah, waxaana ugu dambeeyay iska hor imaadkii xoogganaa ee shalay ka dhacay Togga Walisoor ee gobolka Bari, kaas oo dhaliyay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.
Saraakiil u hadashay Puntland ayaa guul ka sheegtay dagaalkaas, waxaana ay shaaciyeen in ay khaarijiyeen xubno ka tirsanaa Daacish, ayna sidoo kale qabsadeen halka lagu diriray.
Sidoo kale waxaa jira khasaare ay dagaalkan kala kulmeen ciidanka Puntland, waxaana illaa iyo hadda la xaqiijiyay dhimashada Nabadoon Cabdi Hayaan oo kamid ahaa Odoyaasha dhaqanka ee ku biiray howlgallada ka dhanka ah argagixisada ee ka socda Calmiskaad.
Dagaalka Puntland oo maraya wajigiisa saddexaad ayaa haatan lasii xoojiyay, waxaana dhawaan maamulka uu sheegay inuu u baahan yahay in lagu garab istaago howlgallada ka dhanka ah kooxaha argagixisada ee ka dhaca dhulka buuraleyda ah ee Calmiskaad.

