Muqdisho (Caasimada Online)– Wararka naga soo gaaraya agagaarka Garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in goordhow Meydad hor leh laga soo saaray dhismooyinka ku dumay Ismiidaamintii shalay ka Dhacday afafka hore ee Garoonka.
Maxamed Muxudiin Axmed oo kamid ah dadka deegaanka ayaa Caasimada Online u xaqiijiyay in Meydadka Afar ruux goordhow laga soo saaray dhismooyinka Qaraxyada ku burburay.
Maxamed Muxudiin waxa uu sheegay in laba kamid ah Meydadka ay ahaayen Carruur ay dadoodu u dhexeyso 5 ilaa 8 jir.
Meydadka goordhow la helay ayuu sheegay inay ahaayen dad Shibil ah, kuwaa oo xiliga uu Qaraxa dhacaayay ku sugnaa hoygooda.
Dhinaca kale, waxa uu intaa raaciyay in ciidamada Booliska ay wadaan Baaritaano lagu baadi-goobaayo dad wali looga shakisan yahay inay ku hoos jiraan dhismooyinka burburay.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho