Muqdisho (Caasimada Online) – Wakiilka xoghayaha guud ee QM u qaabilsan arrimaha Somalia Mr Michael Keating, ayaa walaac gaar ah ka muujiyay kala fogaanshiyaha u dhexeeya madaxda Soomaalida.
Keating waxa uu sheegay in Beesha Caalamka aysan ka quusan doonin xal u helida Somalia, waxa uuna tilmaamay in Siyaasadaha leysku diidan yahay kaliya ay ku laalaabaneyso qaadashada 4.5 iyo doorasho hab deegaan ah.
Wuxuu tilmaamay in Beesha Caalamka ay Somalia ka samata bixiyeen nidaam ka liita kan iminka leysku hayo, waxa uuna ballanqaaday in inta dhiman ay ku xalin doonaan gacantooda si loo gaaro Siyaasadii la tiigsanaayay.
Mr Keating oo ka duulaaya kala fogaanshiyaha Madaxda Soomaalida ayaa sheegay inay ugu wacan tahay 2 arrin oo kala ah:
1 – Madaxda oo kala mataleysa beelo kala gaar ah taasi oo xoojineysa in qolo waliba ay ku andacooto in lagu tiigsaday reerka ay kasoo jeedo misna aan lasiin xuquuqdii ay tabanayeen.
2 – Micnaha Dowladnimada oo lagu lamaanay sad bursi, kalsooni dari, godob hore oo dib loosoo cusbooneysiiyay iyo in go’aan waliba lagu sameeyo is hortaag si qolo waliba gooni loo raali galiyo misna ay uga dhexmuuqato kuraasta wada hadalka.
Dulqaad ayuu sheegay in Beesha Caalamka ay u muujineyso cid waliba oo wax tabaneysa, balse waxa uu meesha ka saaray in Somalia ay ka jirto dimoquraadiyad.
Maamulada Dalka ayuu ku dhaliilay inaysan u jilicsaneyn Dowladnimada waxa uuna ka digay in maamulada qaar ay la tagto dhabar adeega ay ka muujinayaan dhanka Dowlada.
Dhanka kale, waxa uu Mr Keating ku baaqay in Dowlada Somalia ay la imaado tanaasul ka duwan kan iminka ay muujisay, isaga oo sidoo kale Maamulada dalka kala taliyay inay ka hor imaadan wax waliba oo lagu saxaayo masiirka umadda Soomaaliyeed.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]