Gaalkacyo (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Gaalkacyo maanta markale tagay ergayga gaarka ee QM u qaabilsan Soomaaliya Micheal Keating.
Kulanka oo ah mid saxaafadda dibad joog ka tahay ayaa u dhaxeeya Mr Keating iyo madaxweynaha maamulka Puntland C/Welli Gaas iyo wasiiro maamulka Puntland ka tirsan.
Lama oga waxyaabaha looga hadlayo laakiin kulanka ayaa ka dambeeyay markii labada maamul ee Puntland iyo Galmudug isku fahmi waayeen qodobo gogol xaar u ah nabbada magaalada Gaalkacyo.
Kulanka ayaa sidoo kale la filayaa inuu dhexmaro madaxweynaha Galmudug iyo ergayga arimaha Soomaaliya ee Qaramada Midoobay.
Sharuudo adag ayaa jiro oo labada maamul ay ku xireen sii socoshada wadahadalka lagu dhameynayo dagaaladii ka dhacay magaalada Gaalkacyo.
Waxii kusoo kordhaa kala soco wararkeena dambe Insha allah.
Caasimada Online
Xafiiska Mudug
[email protected]

