Beledweyne (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in halkaasi uu gaaray wakiilka QM u qaabilsan Soomaaliya.
Micheal Keating, ayaa kulamo kala duwan magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan kula leh madaxweynaha Hirshabeelle Ugaaska beesha Xawaadle Ugaas Xasan Ugaas Khaliif.
Kulankaasi ayaa la doonayaa in lagu xalinayaa khilaafka muddada dheer u dhaxeeyay Ugaas Xasan Ugaas Khaliif iyo masuuliyiinta dowladda ee qeybta ku lahaa dhismaha maamulka HirShabeele.
Wakiilka QM ee Soomaaliya waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Beledweyne kusoo dhaweeyay madaxweynaha Hirshabeelle oo shalay tagay magaaladaasi.
Micheal Keating ayaa doonaya markaan inuu ku guuleyso xalinta tabashada Ugaas Xasan uu ka qabo dhismaha maamulka HirShabeele.
Caasimada Online
Xafiiska HirShabeelle
[email protected]