25.5 C
Mogadishu
Friday, October 24, 2025

Mid ka mid ah Ardeydii kaalmaha hore ka galay Imtixaankii dowlada oo la dilay

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahinno dheeraad ah ayaa kasoo baxay dil loo gaystay mid ka mid ah ardeydii kaalmaha hore ka galay Imtixaankii Dowladda ee dugsiga dhexe, kaas oo Isniintii lagu dilay gudaha magaalada caasimad aah ee Muqdisho, kadib iska horimaad toos ah oo dhex-maray askar ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya.

Marxuumka oo lagu magacaabi jiray Cali Sheekh Cumar (Cali Faqay) ayaa shalay ku dhintay is rasaaseynta, kadib markii ay rasaas ka haleeshay qaybaha sare ee jirka, taas oo sababtay inuu goobta ku geeriyoodo.

Aabaha marxuumka oo la hadlay Telefishinka Universal ayaa sheegay in wiilkiisa uu ahaa baari, isla markaana uu ku wanaagsanaa waxbarashada, balse la dilay isaga oo kusii jeedo goobtiisa waxbarashada, kadib markii uu ku dhex dhacay laba askari oo is ceyrsaneysa.

“Ninkaas nin baari ah oo aan waligey iskuulka aad aanan dhihinin ee masaajidka aad ee wax ka baro aanan dhihin ee isagu intaas oo dhan iskiis wax uga baranaayay waa la jeclaa iskuulka iyo xaafadda” ayuu yiri Aabe Sheekh Cumar oo la haday warbaahinta.

Sidoo kale, ehellada oo cadaalad ka dalbatay dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in maydka aan la aasi doonin, uuna ku jiro firinjeer, inta laga soo qabanayo eedeysanaha.

“Wiilkeenna waxaan u dooneynaa cadaalad sida sharciga ilaahey waafaqsan inuu u helo, Firinjeer ayuu noogu jiraa cadaalad ayaana u baahanahay” ayay tiri maxuumka walaashiis.

Dhanka kale, maamulka Iskuulka Jaabir Bin Xayaan ayaa ka hadlay goobta tacsida, wuxuuna qiray in Cali uu ahaa arday akhlaaq leh oo kaalinta koowaad ka geli jiray iskuulka.

“Cali waxyaabaha aan ku xasuusano waxaa kamid ah sanadkii sideedaad ee imtixaanka dowladda la galay oo gobolka Banaadir la qaaday ardayda 7-aad ayuu ahaa, wuxuu sidoo kale ah ardayda iskuulka ugu wanaagsan ee kaalinta –aad ka gala” ayuu yiri maamulaha.

- Advertisement -

Read more

Local News