29.5 C
Mogadishu
Wednesday, April 22, 2026

Mid ka mid ah musharrixiinta Puntland oo $10,000 ugu deeqay duufaanta

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Nairobi (Caasimada Online) Magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya, waxaa ,maanta shir jaraa’id ku qabtay Xaaji Maxamed Yaasiin oo ka mid ah musharraxiinta u taagan doorashadda madaxtinnimada ee Maamulka Puntland.

Wuxu sheegay in lacag dhan $10,000 uu ugu deeqay dadka wax ku noqday dabeylaha roobabka xooggan watta ee ku dhuftay Gobalada Nugaal iyo Barri ee dalka Soomaaliya.

Musharrax Xaaji Yaasin ayaa tacsi u diray dadkii ku geeriyooday dabeylaha iyo roobabka xooggan ee ka billowday Sabtidii la soo dhaafay deegannada Puntland, wuxuuna ka codsaday beesha caalamka in kaalmo deg-deg ah lala gaaro dadka ay waxyeellada ka soo gaartay duufaanta.

Wuxuu ka codsaday musharraxiinta kale ee u tartamaya xilka madaxtinnimo ee Puntland iyo dadka hantida leh inay ka qeyb-qaataan gurmadka lagu caawinayo dadka dhibaateysan.

Sidoo kale, waxaa isna ugu deeqay $5,000 dadka ay waxyeellada ka soo gaartay dabeylaha musharrax Cali Xaaji Warsame oo ka mid ah musharrixiinta u taagan doorashadda Puntland.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Maamulka Puntland iyo xubno maamulkiisa ayaa maanta booqday halkii ay ka go’day buunadadi Sunijif taasi oo hakad gelisay isku socodka gaadiidka iyo dadweynaha Puntland saddex maalmood.

Faroole wuxuu kaloo booqday garoonka diyaaradaha Garowe oo waxyeeleen dabeylaha roobabka wata ee ku dhuftay deegannada Puntland.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News