KASHIFAAD: Idaacad ku taalla Xamar oo dhaqan adoonsinimo uu ka jiro

Muqdisho (Caasimada Online) Qaar ka mid ah shaqaalaha Idaacadda Xurmo ee magaalada Muqdisho oo la hadlay Shabakadda Caasimada Online,ayaa sheegaya  in muddo sagaal bil aan mushaar la siin isla markaana lagu wargaliyay in Idaacadda la xiray oo la joojiyay shaqadii.

Wariyaashan ayaa sheegay in muddo sagaal bil ah aan la siin mushaarkii ay xuquuqda u lahaayeen, isla markaana lagu wargaliyay in howshii Idaacadda la joojiyay.

Idaacaddan oo  ka duwan kuwa sida gaarka loo lee yahay ee ku yaala Muqdisho, ayaa waxaa maamusha hey’adda xuquuqda aadanaha ee INXA, waxaana maalgaliya hey’ad laha lee yahay dalka Norway sida ay lee yihiin shaqaaladaha xuquuqda ay ka maqan tahay.

Shaqaalaha ayaa kuu dooddaya in lacagtooda ay cuneen maamulka hey’adda INXA waayo waxa ay lee yihiin muddada sagaalka bil waxaa naloo sheegayay in lacagta la isku dari doono oo qof walba hal mar la siin doono wixii xuquuq ee uu lahaa.

Ma ahan Idaacadan oo kaliye, kuwa ku tunta xuquuqda shaqaalaha wariyaasha, badanaa Idaacaddaha sida gaarka loo lee yahay ee dalka ku yaala ayaa shaqooyin badan u dira qofka wariyaha, waxaana la sii yaa mushaar yer mararka qaarna waa loo diddaa ama waa ay ka daahdaa.

Wariyaasha ka howlgala Muqdisho waa kuwa u badan dhallinyaro,waxaana ay da’dooda u dhexeesaa 18 ilaa 20-sano ma heestaan aqoon ku filan, balse waa kuwa hami u haya xirfada saxaafadda.

Soomaaliya waxa ay ka mid tahay meelaha ugu khatarta badan aduunka oo ay ka howgalaan suxufiyiinta Soomaaliya, sannadkii la soo dhaafay 18-suxufi ayaa lagu dilay.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi