Muqdisho (Caasimada Online) Allaha ha u naxariisto waxaa caawa degmadda Dharkeynley ee magaalada Muqdisho lagu dilay mid ka mid ah odayaashii soo xulay baarlamaanka Soomaaliya.
Ninka la dilay oo lagu magacaabi jiray Amiin Cali Muumin, waxaa dilay kooxo hubeysan oo watay bastoolada kuwaasoo toogtay isagoo ka yimid goob lagu ciyaaro kubadda cagta oo ku taalla xaafadda Asallaam.
Waxaa la sheegay in xilligaas uu watay baabuur,waxaana isagoo dhaawac ah loo qaaday Isbitaalka Madiina halkaasoo uu ku dhintay.
Amiin sidoo kale wuxuu ahaa guddoomiye ku-xigeenkii Olombikada degmadda Dharkeynleey ee magaalada Muqdisho.
Wuxuu ahaa nin aad looga yaqaano degmadda, gaar ahaan wuxuu ka mid ahaa ragga ugu cad-cad ee Sports-ka.
Ma jirto koox sheegatay dilka Amiin, Aamiin wuxuu ifka kaga tagay afar carruur ah, labo wiil iyo labo gabdhood.
Caasimada Online
Xafiiska Wararka Muqdisho