26.9 C
Mogadishu
Saturday, June 28, 2025

Mid ka mid ah safaaradaha Soomaalida oo isku darsatay howl-gabnimo iyo been sheegid (Aqri)

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Qahira (Caasimada Online) – War kasoo baxay Safaarada Somalia ee magaalada Qahira ayaa waxaa lagu beeniyay xaqiiqda ka jirta dalkaasi ee saameynta ba’an ku yeelatay Soomaalida.

Warbixinta ayaa waxaa lagu beeniyay wararka sheegaya in gowracato u dhashay dalka Masar ay xubnaha jirka ugu muhiimsan kala baxeen dad Soomaali ah, waxa ayna Safaaradu waxkama jiraan ka dhigtay Dukumiintiyo cadeyn u ah falkaasi.

Warbixinta Safaarada waxaa lagu beeniyay in dadkaasi u badnaa qoysaska Soomaalida ah kelyaha iyo beerka loogala baxay Magaalada Alexandria ee dalkaasi Masar, waxa ayna sidoo kale Safaarada oo baaritaanka xaqiiqdaasi ka gaabsatay sheegtay in arrintaasi qaab khaldan loo fasiray.

Safaaradu waxa ay xaqiijisay in Toddobaadkii hore xeebaha Alexandria ku dhinteen ugu yaraan 8 qof oo Soomaali ah balse waxa ay si cad u baalmartay xaqiiqda.

Safaaradu waxa ay ku andacootay in dadkaasi lagu sameeyay qaliin, lagu baaraayay waxa sababay geeridooda.

Shariif Xuseen oo kamid ah dadka ku nool Magaalada Qahira ayaa sheegay in Safaaradu ay isku darsatay howl-gabnimo iyo ka weecashada xaqiiqda, waxa uuna cod dheer ku sheegay in warbixinta kasoo baxday Safaaradu ay tahay mid been ah islamarkaana aan sal iyo baar ku laheyn xaqiiqda.

Shariif Xuseen, waxa uu sheegay in iyagoo koox ah ay Safaarada u xaqiijinayaan in Soomaalidaasi xubnaha lagala baxay, islamarkaana ay Safaaradu ka gaabisay howsheeda sidaa aawgeedna sharaf u aragtay inay beeniso xaqiiqda jirta.

Docda kale, Qoysaska Soomaalida ee Qahira ahaa Safaarada ugu baaqay inay kala saaran xaqiiqda jirta iyo Howlgabnimadooda.

Caasimada Online
Xafiiska Qahira
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News