Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidanka la dagaalanka burcad-badeedda ee Midowga Yurub ayaa markab dagaal u soo diray xeebaha Soomaaliya kaddib markii koox looga shakisan yahay burcad-badeed ay isku dayeen inay bartilmaameedsadaan maraakiibta aaggaas, sida ay ilo-wareedyo dhinaca badda ah sheegeen Arbacadii.
Dabley hubeysan ayaa weerartay markab nooca booyadda ah oo marayay meel ka baxsan xeebta Muqdisho Isniintii. Waxay rasaas ku fureen markabka kaddib markii ay isku dayeen inay korkiisa fuulaan, waana dhacdadii ugu horreysay ee looga shakiyo fal burcad-badeed Soomaali ah oo nooceeda ah tan iyo 2024, sida ay sheegeen ilo dhinaca badda ah.
Weerarkaas iyo dhacdooyin kale ayaa walaac ka abuuray marinka maraakiibta ee loo isticmaalo in lagu geeyo tamar iyo badeecooyin muhiim ah suuqyada caalamka.
Markab kalluumeysi oo calanka Seychelles sitay ayaa sidoo kale waxaa toddobaadkan u dhowaaday doon dheereysa, halka ilo dhinaca amniga badda ah ay sheegeen in doon kalluumeysi oo gaar ah oo laga leeyahay Iran ay qabsadeen kooxo aan la aqoonsan.
Kooxda Maareynta Khataraha Badda ee Britain ee Vanguard ayaa sheegtay inay aad ugu dhowdahay in doonta kalluumeysiga lala wareegay si loogu isticmaalo “markab hooyo” oo laga soo qaado weerarrada.
Howlgalka badda ee Midowga Yurub, Hawlgalka ATALANTA (Operation ATALANTA), ayaa sheegay inuu “ka warqabo xaaladda uuna markab ciidan u dirayo aagga”, iyagoo ka gaabsaday faahfaahin intaas dhaafsiisan sababo dhinaca amniga ah.
“Waxaa aad ugu dhow inay badda ku jirto koox fallaago ah oo Burcad-badeed Soomaali ah, ayna ka hawlgaleysay meel ka baxsan 300 oo mayl-badeed xeebta Soomaaliya,” ayey tiri shirkadda amniga badda ee Britain ee Ambrey Arbacadii.
“Maraakiibtaas (ganacsiga) ee loo dhowaaday waxay u dhigmaan sifooyinka iyo awoodaha la ogyahay ee bartilmaameedka burcad-badeedda Soomaalida.”
Kooxaha burcad-badeedda Soomaalida, oo ka hawlgeli jiray agagaarka Gacanka Cadmeed iyo Badweynta Hindiya, ayaa ahaa kuwo aan si weyn u firfircooneyn sannado badan.
Maleeshiyada Xuutiyiinta Yemen ee gacan-saarka la leh Iran ayaa khatar weyn ku hayay maraakiibta maraya Badda Cas, oo ku xiranta Gacanka Cadmeed, tan iyo markii ay kooxdu weerarradii ugu horreeyay ku qaadday maraakiibta ganacsiga bishii Nofeembar 2023, iyagoo u hiilinaya Falastiiniyiinta dagaalka ku jira Israel ee Gaza.
In kasta oo Xuutiyiintu ay oggolaadeen xabbad-joojin ku aaddan bartilmaameedsiga maraakiibta xiriirka la leh Mareykanka, shirkado badan oo maraakiibta ah ayaa weli ka caga jiidaya inay dib u bilaabaan safarrada ay ku maraan biyahaas.

