25.2 C
Mogadishu
Saturday, January 3, 2026

Midowga Yurub oo sifo aad u fool-xun ka bixiyay madaxweyne Trump

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Midowga Yurub ayaa qeyla dhaan kasoo saaray guushii Madaxweynaha cusub ee dalka Mareykanka Mr Donald Trump, kadib markii Midowga Yurub uu sheegay in Trump uu yahay Jaahil halis ku ah xiriirka Mareykanka iyo Midowga Yurub.

Madaxweynaha Guddiga Midowga Yurub Jean-Claude Juncker, ayaa hadalkaasi ka sheegay kulan ay wada qaadanayeen xubno ka tirsan Guddiga, waxa uuna Trump ku tilmaamay Jaahil aan wax tar laheyn.

Jean-Claude Juncker, waxa uu sheegay in Trump uusan mudneyn xilkaasi waxa uuna meesha ka saaray inuu leeyahay khibrad Siyaasadeed oo horseedi karta isku xirka dowladaha leysku yiraah reer Galbeedka.

Jean-Claude Juncker oo guusha Trump ka hadlaayay ayaa yiri ”Doorashada Trump waxay khatar ku tahay inay waxyeelayso xiriirka qaaradaha aasaaska iyo qaab dhismeedka”

Waxa uu intaa ku daray ”Trump waxa uu sabab u noqon doona dalka Mareykanka oo halis Argagixiso gasha haddii aan arrinkaani fiiro gaara loo yeelan khatar ayaa dhicikarta”

Dhinaca kale, Jean-Claude Juncker ayaa shacabka Mareykanka uga digay in Trump uu dalkooda u horseedo dhibaato aan horay loo arag.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News