Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta guddoomiyey kulan lagu ansixinayay miisaaniyadda sanadka 2026 ee maamulka gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar.
Kulankan oo ay ka soo qeyb-galeen mas’uuliyiin sare iyo daneeyayaal kala duwan, ayaa si rasmi ah loogu ansixiyey miisaaniyad dhan $63,845,852.99 (Saddex iyo lixdan milyan, sideed boqol afartan iyo shan kun, sideed boqol konton iyo laba doolar iyo sagaashan iyo sagaal senti).
Miisaaniyaddan ayuu gobolku sheegay in loo qorsheeyey hirgelinta barnaamijyo horumarineed oo wax-ku-ool ah, kuwaas oo diiradda saaraya baahiyaha aasaasiga ah ee bulshada ku dhaqan caasimadda.
Kulanka waxaa goob joog ka ahaa Guddoomiye Ku-xigeennada Maamulka iyo Maaliyadda, Hawlaha Guud, Arrimaha Bulshada, Xoghayaha Guud, Xisaabiyaha Guud ee Qaranka, xubno ka socday Wasaaradda Maaliyadda, Rugta Ganacsatada Soomaaliyeed, Guddoomiyeyaasha Degmooyinka iyo Agaasimeyaasha waaxyaha kala duwan ee Maamulka Gobolka Banaadir.
Kulanka ansixinta miisaaniyadda oo ay xaadireen 46 xubnood, ayaa waxaa ansixinta oggolaaday 45, halka hal xubin ay diidday.
Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa sheegay in mudnaanta koowaad ee miisaaniyadda sanadka cusub la siinayo dhismaha kaabayaasha bulshada, oo ay ka mid yihiin waddooyinka, biyo-mareennada, adeegyada caafimaadka, waxbarashada iyo guud ahaan daryeelka bulshada, si loo xaqiijiyo horumar waara iyo nolol ka wanaagsan tan hadda jirta.
Guddoomiyaha ayaa sidoo kale xusay in maamulka gobolka uu horumar la taaban karo ka sameeyey dhismaha waddooyinkii burbursanaa, kuwaas oo qaar la dhammeeyey, qaarna ay marayaan gebagabo, halka kuwo kalena dhawaan la billaabi doono.
Sidoo kale, waxa uu tilmaamay in la hirgeliyey mashaariic ay ka mid yihiin dhismaha iskuullo, xarumaha hooyada iyo dhallaanka (MCH-yo), bullaacado iyo goobaha biyaha lagu keydiyo ee magaalada.
Guddoomiyuhu wuxuu ugu baaqay shacabka Muqdisho in ay si dhow ula xisaabtamaan maamulkiisa sida canshuuraha loo ururiyo iyo halka lagu bixiyo, isaga oo dhanka kale bulshada ku boorriyey in ay gutaan waajibaadkooda canshuur-bixinta si loo horumariyo adeegyada bulshada.
Waxa uu sidoo kale ku dhiirrigeliyey muwaadiniinta in ay ka qaybgalaan doorashooyinka si loo helo maamul ka tarjumaya rabitaanka dadweynaha.
Ugu dambayn, Agaasimaha Waaxda Maaliyadda ee Maamulka Gobolka Banaadir, Cabdiraxmaan Cumar Axmed, ayaa xaqiijiyey in miisaaniyaddan loo maamuli doono si hufan oo waafaqsan shuruucda maaliyadeed ee dalka.












