25.2 C
Mogadishu
Thursday, October 23, 2025

Mareykanka oo xog cusub ka bixiyay duqeyntii Bariire

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska ciidamada Mareykanka ee AFRICOM ayaa faah-faahin dheeraad ah ka bixiyay duqeyn culus oo Jimcihii lasoo dhaafay ay ka fuliyeen agagaarka deegaanka Bariire oo qiyaastii 30 mayl galbeed ka xiga magaalada Muqdisho.

Deegaankan oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa ku dagaalamay ciidamada dowladda oo garab ka helaya kuwa AUSSOM iyo maleeshiyaadka Al-Shabaab, waxaana kadib xigtay duqeynta oo lalal beegsaday maleeshiyaadka argagixisada ah.

Mareykanka ayaa shaaca ka qaaday in duqeynta ay fuliyen ay ku taageerayeen ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ee howlgallada ka wada halkaasi, welina ay sii wadi doonaan.

Qoraalka kasoo baxay taiska AFRICOM laguma shaacin khasaaraha rasmiga ah ee gaaray Al-Shabaab, waxaana weli socdo qiimeyn ay wadaan dowladaha Mareykanka iyo Somalia.

Mareykanka ayaa wali sii xoojinaya taageerada uu siiyo dowladda federaalka, isaga oo ka taageero dhanka milatariga iyo fulinta duqeymo lagu cuuryaaminayo argagixisada.

Sanadkan dowladda Mareykanka ayaa gudaha Soomaaliya ka fulisay illaa 55 weerar oo lagu beegsaday kooxaha argagixisada ah, welina wuxuu sii wadaa howlgalkiisa.

Xaaladda Bariire ayaa weli kacsan, waxaana mar kale maanta oo Isniin ah ka dhacay dagaal khasaar lagu gaarsiiyay Al-Shabaab, kaas oo ay qaadeen ciidanka dowladda iyo kuwa AUSSOM.

Saraakiil ka tirsan milatariga Soomaaliya ayaa sheegay in howlgallada socda lagu dilay xubno badan Shabaab ah, welina uu socdo baacsigooda, sida ay hadalka u dhigeen.

Shabeellaha Hoose ayaa kamid ah meelaha ay ku xoogan yihiin xubnaha kooxda Al-Shabaab, waxaana ay kasoo abaabulaan weerarada ay ka fuliyaan gudaha caasimada

- Advertisement -

Read more

Local News