24.9 C
Mogadishu
Thursday, July 10, 2025

Milkiilaha Manchester City: Dagaal-oogaha Imaaraadka u qaabilsan colaad hurinta Afrika

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Abu Dhabi (Caasimada Online) – Sheikh Mansour bin Zayed al-Nahyan, oo ah xubin sare oo ka tirsan qoyska boqortooyada Imaaraadka Carabta, ayaa lagu eedeeyay inuu si qarsoodi ah u taageerayo hoggaamiye kooxeedka Suudaan, Gaashaanle Sare Maxamed Xamdaan (Xameti), oo ah hoggaamiyaha Ciidamada Gurmadka Degdegga ah (RSF) ee sumcadda xun, xilli uu sii xoogaysanayo dagaalka sokeeye ee Suudaan, sida lagu sheegay warbixinno baaritaanno ah oo uu dhawaan daabacay wargayska The New York Times.

Warbixinta oo faahfaahsan ayaa waxay qeexaysaa sida Sheikh Mansour, oo la dhashay hoggaamiyaha awoodda badan ee Imaaraadka, uu si cad ugu martiqaaday Jeneraal Xamdaan bishii Febraayo 2023, toddobaadyo uun ka hor inta uusan qarxin iskahorimaadka Suudaan. Kulan kaas ayaa la sheegay inuusan aheyn kii ugu horreeyay; xiriirkoodu wuxuu soo taxnaa sanado ka hor, markaasoo Sheikh Mansour uu ku martiqaaday taliyaha reer Suudaan bandhig hub oo ka dhacay Imaaraadka, halkaas oo ay si wada jir ah ugu soo wareegeen goobaha lagu soo bandhigay gantaallada iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drones).

Kaddib markii uu dagaalka sokeeye ee Suudaan sii xoogaystay bishii Abriil 2023, Sheikh Mansour ayaa la sheegay inuu gacan dheeraad ah siiyay dadaallada dagaal ee Jeneraal Xamdaan. In kasta oo hay’ado samafal oo hoos yimaada maamulka Sheikh Mansour la sheegay inay dhiseen isbitaal, oo loogu muujinayay inuu yahay gargaar bini’aadannimo oo loo fidinayo dadka rayidka ah, ayaa saraakiil Maraykan ah iyo kuwa Qaramada Midoobay waxay ku adkaysanayaan in hawlgalkani uu ahaa mid qarsoodi ah oo lagu daboolayay arrimo kale.

Sirdoonkoodu wuxuu tilmaamayaa inuu fududeeyay qorshe qarsoodi ah oo Imaaraadku ku doonayay inuu hub casri ah, oo ay ku jiraan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, si dhuumasho ah ugu gudbiyo ciidamada RSF ee Jeneraal Xamdaan.

Xadgudubyo baahsan

Maqaalka The New York Times wuxuu iftiiminayaa caddeymo isa soo taraya oo muujinaya xadgudubyo baahsan oo ay geysteen ciidamada Jeneraal Xamdaan, kuwaas oo ay ka mid yihiin xasuuq, kufsi wadareed, iyo tirtirid qowmiyadeed.

Tallaabooyinkan ayaa horseeday cambaarayn caalami ah, haddana socodka hubka ee loo dhoofiyo RSF wuu sii socdaa. In kasta oo Imaaraadku uu si rasmi ah u beeniyay inuu hubaynayo mid ka mid ah dhinacyada isku haya colaadda, haddana Maraykanka ayaa la sheegay inuu duubay wada-hadallo telefoon oo tiro badan oo dhex maray Jeneraal Xamdaan iyo madax sare oo Imaaraati ah, oo uu ku jiro Sheikh Mansour.

Duubitaannadaas ayaa waxay saraakiisha Maraykanka ku hoggaamiyeen inay ku qancaan in Sheikh Mansour uu door muhiim ah ka qaatay bixinta taageerada milatari ee ciidamada Jeneraal Xamdaan, taasoo sii hurisay colaad Suudaan ku ridday abaar iyo macaluul, isla markaana sababtay dhibaatadii bini’aadannimo ee ugu weyneyd adduunka, iyadoo ay ku dhinteen in ka badan 150,000 oo qof ayna ku barakaceen in ka badan 12 milyan oo kale.

Sheikh Mansour, Jeneraal Xamdaan, iyo Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Imaaraadka midkoodna kama uusan jawaabin su’aalaha faahfaahsan ee la xiriira eedeymaha ku saabsan xiriirkooda iyo doorka ay ku leeyihiin dagaalka, sida uu xusay wargayska The New York Times.

Marka laga soo tago eedeymaha la xiriira Suudaan, maqaalku wuxuu Sheikh Mansour, oo 54 jir ah, ku tilmaamayaa inuu yahay “fududeeye” iyo “hogaamiye” muhiim u ah ballaarinta saamaynta Imaaraadka ee sii kordheysa ee Afrika iyo Bariga Dhexe.

Saraakiil lagu waraystay maqaalka ayaa ku sifeeyay inuu yahay “hormuudka” dadaalkaas istiraatiijiga ah, kaas oo ay ka mid yihiin sugidda dekedaha muhiimka ah iyo macdanta istiraatiijiga ah, la-dagaallanka dhaq-dhaqaaqyada Islaamiga ah, iyo adkaynta mowqifka Imaaraadka ee ah awood goboleed.

Dalal ay ka mid tahay Liibiya, Sheikh Mansour ayaa la sheegay inuu xiriir la yeeshay hoggaamiye kooxeedyo iyo kaligood-taliyeyaal saameyn leh, isagoo inta badan u muuqday inuu jebinayo cunaqabateynta caalamiga ah ee hubka.

Tusaale ahaan, saraakiisha Maraykanka waxay arkeen xiriir joogto ah oo dhex marayay Sheikh Mansour iyo hoggaamiyaha awoodda badan ee Liibiya, Khalifa Haftar, waxayna xuseen in hubka Imaaraadka, oo qaar ka mid ah uu markii hore Maraykanku siiyay, uu si sharci-darro ah uga soo muuqday goobaha dagaalka ee Liibiya. Habkan uu wax u wado ayaa muujinaya istiraatiijiyad ballaaran oo si taxaddar leh loo dejiyay oo lagu xoojinayo kooxaha xulafada la ah ee ka jira gobollada aan xasilloonayn.

Ganacsiyo fadeexad leh

Wargayska The New York Times wuxuu kaloo xusayaa in ganacsiga ballaaran ee Sheikh Mansour uu wajahayo baaritaanno aan hore loo arag. Dhowaan, sannadkii 2022, dacwad-oogayaasha Maraykanka waxay isaga ku magacaabeen “ka-qaybqaate dembi” fadeexaddii caanka ahayd ee 1MDB, oo ah mid ka mid ah musuq-maasuqyadii maaliyadeed ee ugu weynaa adduunka.

In kasta oo aan waligiis shakhsi ahaan loogu soo oogin dacwad la xiriirta 1MDB, laba ka mid ah shirkadihiisa ayaa oggolaaday inay dib ugu celiyaan lacag dhan $1.8 bilyan dalka Malaysia sannadkii 2023, kaddib markii lagu eedeeyay inay fududeeyeen musuq-maasuqaas baaxadda leh. Heshiiskaas maaliyadeed, in kasta oo uusan ahayn qirasho dembi, wuxuu hoosta ka xariiqayaa culayska eedeymaha jira.

Warbixintu waxay soo jeedinaysaa in “xasaanaddii dahabiga ahayd” ee Sheikh Mansour uu muddo dheer ku naaloonayay — oo ah mudnaan inta badan lala xiriiriyo hantida baaxadda leh — ay suuragal tahay inay ugu dambayn meesha ka sii baxayso. Dabayaaqadii 2023, sharci cusub oo Ingiriiska laga soo saaray ayaa si wax-ku-ool ah u hor istaagay isku daygiisii ahaa inuu iibsado wargayska faca weyn ee Daily Telegraph, iyadoo laga walaacsan yahay saameynta ay ku yeelan karto xorriyadda saxaafadda iyo madaxbannaanida warbaahinta.

Intaa waxaa dheer, hantidiisa ugu weyn ee dhinaca isboortiga, kooxda Manchester City, waxay hadda ku jirtaa dacwad sharciyeed oo culus. Horyaalka Ingiriiska (English Premier League) ayaa ku eedeeyay kooxda inay jabisay qawaaniinta maaliyadeed 130 jeer, oo ay ku jiraan eedeymo sheegaya inay boqollaal milyan oo doollar oo ka timid shirkado Imaaraati ah kusoo shubtay khasnadda kooxda, iyadoo lacagahaas loo ekeysiiyay heshiisyo kafaala-qaad ah.

Haddii dembiga lagu helo, kooxda waxay wajihi kartaa ciqaabo adag, oo u dhexeeya ganaaxyo lacageed oo culus ilaa in laga saaro horyaalka ama xitaa in laga qaado koobabkii badnaa ee ay ku guuleysatay, taasoo dhaawici karta sumcadda isboorti ee caalamiga ah ee Sheikh Mansour.

Magaalada Washington, walaac sii kordhaya oo ka imaanaya labada xisbi ee Maraykanka oo ku saabsan doorka lagu eedeeyay Imaaraadka ee dagaalka Suudaan ayaa kiciyay baaqyo lagu doonayo isla-xisaabtan. Xildhibaanno caan ah oo ka tirsan xisbiga Dimoqraadiga ayaa ku cadaadinaya in la mamnuuco iibka hubka Maraykanka ee Imaaraadka ilaa ay ka joojinayaan hubeynta Ciidamada Gurmadka Degdegga ah ee Jeneraal Xamdaan.

Cadaadiskani wuxuu sii xoogeystay bishii May kaddib markii la sheegay in ciidamada RSF ay adeegsadeen diyaarado aan duuliye lahayn oo awood badan, kuwaas oo laba sarkaal oo hore oo Maraykan ah ay aaminsan yihiin inuu Imaaraadku siiyay, si ay u duqeeyaan kaabayaasha muhiimka ah ee Suudaan, oo ay ku jiraan keydadka shidaalka, warshadaha korontada, iyo garoonkii diyaaradaha caalamiga ahaa ee ugu dambeeyay dalka.

Kormeerkan sii kordhaya ayaa calaamad u ah marxalad muhiim ah oo soo wajahday Sheikh Mansour, oo falalkiisu ay hadda ku jiraan iftiin aan loo baahnayn oo uu muddo dheer isku dayayay inuu ka fogaado.

- Advertisement -

Read more

Local News