Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno xubno ka tirsan BFS, ayaa sheegaya in Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka ay mooshin ka keenay shirka maamul u sameynta labada Gobol ee Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ee ka socda magaalada Jowhar.
Xildhibaanada mooshinka gudbiyay ayaa la sheegay in tirro ahaan ay gaarayaan ilaa 42 Xildhibaan, kuwaasi oo soo jeediyay in dib loo dhigo shirka ka socda Jowhar.
Xildhibaanada ayaa sheegay in Shirkaasi loo maareynaayo qaab khaldan, sidaa aawgeedna ay goor hore soo jeediyeen in dib loo dhigo balse aysan jirin cid dhag jalaq u siisay, sidaa aawgeed ay mooshinka u gudbiyeen.
Xildhibaanada qaar ayaa soo jeediyay in Mooshinkaani isla maanta cod loo qaado, balse waxaa durbadiiba halkaasi ka baxay tirro Xildhibaano ah oo kamid ahaa ragga Mooshinka gudbiyay.
Guddoomiye Jawaari, ayaa sheegay in Mooshinkaani looga doodi doono kulanka soo socda si go’aan looga gaaro shirka iminka socda.
Xildhibaanada mooshinka ka keenay shirka Jowhar ayaa waxaa ku jira Xildhibaano ka soo jeeda Gobolka Hiiraan, kuwaasoo taageersan shirka dib u heshiisiinta ee ka socda magaalada Beledweyn.
Mooshinkaani ayaa imaanaya xili Qaar ka mid ah Duubabka dhaqanka Gobolka Hiiraan ay wali shirka ka maqan yihiin, iyagoo horay u sheegay in aanay ka qeyb galeyn shirka Jowhar.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]