Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo asbuucyadii ugu danbeeyay uu jawiga Siyaasadeed ee Somalia uu galaayay jahwareer ayaa waxaa soo baxaaya warar sheegaya in Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh Maxamuud laga diyaariyay Mooshin cusub, kaasi oo iminka la gaarsiiyay Gudoomiyaha BFS.
Gudoomiyaha BFS Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, ayaa ku dhawaaqay inuu soo gaaray Mooshin cusub oo Xildhibaanadu kasoo gudbiyeen Madaxweynaha dalka Xassan Sheekh.
Gudoomiye Jawaari waxa uu sheegay in Mooshinka lasoo gaarsiiyay uu yahay mid saxiixan balse lasoo raaciyay qoraal muujinaaya in wali uu yahay qabyo islamarkaana ay Xildhibaanadu ku maqanyihiin dhameystirka Mooshinkooda.
Jawaari waxa uu cod dheer ku sheegay in cadadka Xildhibaanada Mooshinka wada uu iminka gaarayo ilaa 54 Xildhibaan kuwaasi oo uu sheegay inay saxiixeen Mooshinkooda balse ay ka dhowr sugayaan tirada kale ee u harsan.
”Mooshinka isoo gaaray waxaa ku saxiixnaa 54 Xildhibaan waxa uuna ahaa mid sharciga waafaqsan”
Sidoo kale, Jawaari waxa uu sheegay in Mooshinkaasi maalmaha nagu soo aadan la horkeeni doono Baarlamaanka Somalia, si ay Xildhibaanada uga doodan.
Mooshin wadayaasha ayaa Xassan Sheekh ku eedeeyay inuu ku tuntay Dastuurka Somalia, taasina looga baahan yahay inuu ka jawaabo.
Geesta kale, diyaarinta Mooshinkaani ayaa imaanaya xili Madaxweynaha Somalia, Xassan Sheekh uu la daala-dhacaayo carro Siyaasadeed oo uu ka qaaday Maamulada dalka.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

