Mooshinka Waare oo gaaray halkii ugu adkaa iyo xildhibaanada oo wadahadal diidan

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Xarunta maamulka HirShabelle ee magaalada Jowhar ayaa sheegaya in halkaa uu ka socdo kulamo gaar gaar ah oo u dhexeeya Xildhibaanada Mooshinka kawada Hogaamiyaha maamulka Maxamed C/waare.

Xildhibaanada Mooshinka kawada Waare oo iminka tirro ahaan kordhay ayaa waxaa lasoo sheegayaa inay wadaan diiwaan galinta Xildhibaano dheeri ah oo kusoo biiray Mooshin wadayaasha.

Xildhibaanada ilaa iyo hadda is diiwaan galiyay ayaa la xaqiijiyay inay kor u dhaafayaan Afartan iyo Shan Xildhibaan oo si rasmi ah u saxiixay Mooshinka Hogaamiye Waare.

Xildhibaanada Mooshinka saxiixay ayaa qaarkood sheegay inuu u yeeray Hogaamiye Waare si ay u wadahadlaan, hase ahaatee ay diideen.

Waxa ay sheegen inaanu xiligaan dooneynin wadahadal ay la galaan Waare, waxa ayna ku goodiyeen inay marin doonaan halka ay mariyeen Cosoble.

Sidoo kale, Siyaasiyiin kasoo jeeda deegaanada maamulka ayaa ku lug leh Mooshinka laga keenay Waare, kuwaa oo u hanqal taagaaya Kursiga.

Ma cadda sida uu xaalku noqon doona waxaana socda dadaalo uu wado Hogaamiye Waare, si uu kaga badbaado Mooshinka heerka gabagabo maraaya.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com