Washington (Caasimada Online) – Madaxa Hay’adda Sirdoonka Israel ee Mossad, David Barnea, ayaa toddobaadkan booqasho ku tagay Washington iyada oo Israel ay doonayso in maamulka Trump uu ka caawiyo sidii Falastiiniyiinta looga rari lahaa Gaza, sida ay warbaahinta Axios ku warrantay Jimcihii, iyada oo soo xiganaysa laba ilo-wareed oo xog-ogaal u ah arrintan.
Barnea ayaa u sheegay Ergayga Gaarka ah ee Maraykanka u qaabilsan Bariga Dhexe, Steve Witkoff, kulan ay yeesheen horraantii toddobaadkan in Ethiopia, Indonesia, iyo Libya ay muujiyeen inay diyaar u yihiin inay qaabilaan tiro badan oo Falastiiniyiin ah oo ka soo jeeda Gaza, sida ay sheegeen labada ilo-wareed.
Tallaabadan ayaa loo arkaa mid aad muran badan dhalisay; khubaro sharciga ah oo reer Israel iyo Maraykan ah ayaa ku tilmaamay dambi dagaal. Ra’iisul Wasaaraha Benjamin Netanyahu iyo golihiisa wasiirada ayaa sheegay in “dib-u-dejinta” ay noqon doonto “mid ikhtiyaari ah” oo aan qofna lagu qasbi doonin inuu baxo.
Barnea ayaa ku cadaadiyey Maraykanka inuu dalalkaasi siiyo dhiirigelin iyo inuu Israel ka taageero sidii loo qancin lahaa. Ma cadda in Maraykanka uu bixin doono taageeradiisa, sida ay sheegtay Axios.
Qorshaha Trump ee Gaza
Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa bishii Febraayo soo jeediyay in Maraykanku la wareego Gaza oo si ku-meel-gaar ah u raro labadeeda milyan ee qof inta dhulka dib loo dhisayo. Trump ayaa kala kulmay diidmo dhinacyada Carabta iyo Galbeedka labadaba, halka Netanyahu iyo dowladdiisu ay taageereen fikradda.
Wararka ayaa sheegaya in maamulka Trump uu u sheegay saraakiisha Israel in haddii Netanyahu uu doonayo inuu raaco fikraddan, Israel ay u baahan doonto inay hesho dalal diyaar u ah inay qaabilaan Falastiiniyiinta.
Netanyahu ayaa u xilsaaray hay’adda sirdoonka dibadda ee Israel ee Mossad inay hesho dalal ogolaanaya inay qaabilaan tiro badan oo Falastiiniyiin ah oo laga soo barakiciyay Marinka Gaza.
Ku dhawaad Falastiini kasta oo ku nool Gaza ayaa la barakiciyay intii lagu jiray dagaalka, badanaana dhowr jeer. Inta badan dhismayaasha Gaza ayaa waxyeelo soo gaartay ama burburay.
Israel ayaa waxa ay diyaarinaysay qorshe lagu dhaqaajinayo dhammaan labada milyan ee qof ee degan deegaankaas loona rari doono “aag bini’aadannimo” oo yar oo u dhow xadka Masar.
Qorshahaas ayaa dhaliyay walaac ka jira Masar iyo dalal badan oo reer galbeedka ah oo ku saabsan in Israel ay isu diyaarinayso barakicin ballaaran oo Falastiiniyiinta ah oo ka baxa Gaza, taas oo ay wada shaqeeyayaasha isbahaysiga midigta-fog ee Netanyahu iyo qaar badan oo ka tirsan xisbigiisa ay riixayeen sanado badan.
Sarkaal sare oo reer Israel ah ayaa sheegay in, iyada oo qayb ka ah fahamka saddexda dal, in wareejinta Falastiiniyiinta ay noqon doonto “mid ikhtiyaari ah oo aan lagu qasbin,” iyo in Israel ay ballan qaadi doonto inay u ogolaato Falastiiniyiin kasta oo baxa inuu ku laabto Gaza wakhti kasta.
Si kastaba ha ahaatee, fikradda ah in bixitaannada baaxadda leh loo tixgelin karo “kuwo ikhtiyaari ah” marka la eego xaaladaha jira ayaa muran ka dhex dhaliyay.
Markii Netanyahu uu booqday Aqalka Cad toddobaadkii hore, Trump ayaa la weydiiyay arrintan wuxuuna u dhiibay Ra’iisul Wasaaraha Israel. Netanyahu wuxuu sheegay in Israel ay si “dhow” ula shaqaynayso Maraykanka si ay u hesho dalal ogolaanaya inay qaadaan Falastiiniyiinta Gaza, wuxuuna hoosta ka xariiqay in “aanu ku dhowaanayno inaan helno dhowr dal.”
“Waxaan u malaynayaa in Madaxweyne Trump uu lahaa aragti cajiib ah. Waxaa loo yaqaannaa doorasho xor ah. Waad ogtahay, haddii dadku ay rabaan inay joogaan, way joogi karaan, laakiin haddii ay rabaan inay baxaan, waa inay awoodaan inay baxaan. Maaha inay noqoto xabsi,” ayuu yiri Netanyahu.
Ka dib cashada, sarkaal sare oo reer Israel ah ayaa u sheegay suxufiyiinta in Trump uu muujiyay xiisaha uu u qabo inuu sii wado riixitaanka “dib-u-dejinta” Falastiiniyiinta Gaza. Aqalka Cad ma uusan ka hadlin arrintaas xilligaas.
Diidmada Soomaaliya
Bishii Maarso, Soomaaliya iyo maamulka gooni u goosadka ah ee Somaliland ayaa beeniyay inay heleen wax dalab ah oo ka yimid Maraykanka ama Israel oo ku saabsan dib-u-dejinta Falastiiniyiinta Gaza, iyadoo Muqdisho ay sheegtay inay si cad u diidayso tallaabo kasta oo noocaas ah.
Wakaaladda wararka ee Associated Press ayaa soo xigatay saraakiil Maraykan iyo Israel ah oo sheegay in dowladahoodu ay la xiriireen saraakiil ka tirsan Suudaan, Soomaaliya iyo Somaliland si ay ugala hadlaan adeegsiga dhulkooda ee dib-u-dejinta Falastiiniyiinta ka yimid Marinka Gaza ee burburay.
Saraakiisha Suudaan ayaa sheegay inay diideen dalabkii Maraykanka, halka saraakiisha Soomaaliya iyo Somaliland ay sheegeen in aysan ka warqabin wax xiriir ah, sida ay AP ku warrantay.
Wasiirkii Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya ee xilligaas, Axmed Macallin Fiqi, ayaa sheegay in dalkiisu uu si cad u diidi doono “wax kasta oo soo jeedin ama dadaal ah, oo ka yimaada dhinac kasta, oo wiiqaya xaqa dadka Falastiiniyiinta ah ee ah inay si nabad ah ugu noolaadaan dhulkoodii awoowe.”
Wuxuu u sheegay Reuters in dowladda Soomaaliya aysan helin wax dalab ah oo noocaas ah, isagoo intaa ku daray in Muqdisho ay ka soo horjeedo qorshe kasta oo ku lug leh u isticmaalka dhulka Soomaaliya ee dib-u-dejinta dadweyne kale.
Cabdiraxmaan Daahir Aadan, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Somaliland, ayaa u sheegay Reuters in “aysan jirin wax wadahadalo ah oo lala leeyahay qofna oo ku saabsan Falastiiniyiinta.”