Muqdisho (Caasimada Online) – Mucaaradka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag u cambaareeyay xariga agaasimayaal warbaahineed oo maanta lagu xiray magaalada Muqdisho.
Madaxweynihii hore ee dalka, Shariif Sheekh Axmed oo sheegay sida uu uga xun yahay xarigaan ayaa dalbaday in si deg-deg ah loo sii daayo Agaasimaha Himilo TV, Axmed Maxamed Aaden iyo Agaasime Ku-xigeenkiisa, Khadar Cabdiraxiin Ibraahim.
“Waxaan aad uga xumahay tacadiyada joogtada ah ee lagu hayo warbaahinta gudaha kuwaas oo maalin walba la diiwaangeliyo iyadoo la isku dayayo in la aamusiyo Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee ka howlgala Magaalada Muqdisho,” ayuu yiri Shariif Sheekh Axmed.
Waxa uu intaas kusii daray “Waxaan codkayga ku biirinayaa baaqyada lagu dalbanayo in si deg-deg ah loogu sii daayo Agaasimaha Himilo TV iyo Agaasime Ku-xigeenkiisa oo maanta si sharci darro ah loo xiray.”
Shariifka ayaa madaxda dowladda ugu baaqay ilaalinta dastuurka, oo uu sheegay inuu si buuxda u dammaanad qaadayo warbaahinta xorta ah. “Madaxda dowladda iyo Hay’addaha amniga waxaa saaran waajib qaran, maadama dastuurka dalkeenu uu si buuxda u dammaanad qaadayo warbaahinta xorta ah iyo badqabka Suxufiyiinta,” ayuu yiri.
Sidoo kale, Xisbiga Himilo Qaran ayaa faafin rasmi oo uu soo saaray si adag ugu cambaareyay xariga iyo handadaad uu sheegay in lagula kacay agaasimeyaasha warbaahineed ee la xiray, kuwaas oo gudanayay waajibaadkooda shaqo ee saxaafadeed.
“Xisbigu wuxuu ugu baaqayaa hay’adaha amniga iyo masuuliyiinta xukuumadda inay joojiyaan cabburinta warbaahinta xorta ah iyo xariga sharci darrada ah ee loo gaysanayo weriyeyaasaha Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed kasoo baxay xisbiga Himilo Qaran
Hoos ka aqriso war-saxaafadeedka oo dhameystiran:
Xisbiga Himilo Qaran waxa uu si adag u cambaareynayaa xariga iyo handadaadda lagu kacay agaasimaha telefishinka Himilo TV Axmed Maxamed Aaden & agaasime ku-xigeenkiisa Khader Cabdiraxiin Ibraahim, kuwaas oo gudanayay waajibaadkooda shaqo ee saxaafadeed.
Falkaan wuxuu qayb ka yahay ku xadgudubka xorriyadda hadalka iyo warbaahinta xorta ah ee ay caddeysatay xukuumadda Federaalka ah oo si qaldan u adeegsanaysa ciidamada amniga iyo awoodda dowladda.
Xisbiga Himilo Qaran wuxuu aaminsan yahay in Saxaafaddu ay tahay codka bulshada waana tiir muhiim u ah dimuqraadiyada, dowladnimo ku dhisan cadaalad, isla-xisaabtan iyo hufnaan waxaana dowladda saaran waajibaad cad si loo ilaaliyo badqabka suxufiyiinta.
Xisbigu wuxuu ugu baaqayaa hay’adaha amniga iyo masuuliyiinta xukuumadda inay joojiyaan cabburinta warbaahinta xorta ah iyo xariga sharci darrada ah ee loo gaysanayo weriyeyaasaha Soomaaliyeed.
Ugu dambayn, waa in si deg-deg ah xorriyadooda loogu siiyo weriyeyaasaha la xiray wuxuuna xisbigu mar kale xusuusinayaa madaxda xukuumadda Federaalka ah inay ilaaliyaan sharciga iyo dastuurka oo dammaanad qaadanaya xorriyatul qowlka & madax-bannaanida warbaahinta.



