Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ayaa xalay magaalada Muqdisho ku xiray Hooyo Zamzam Cumar Cali oo kamid ah dadkii laga barakiyay xaafadda Siinaay ee degmada Warta Nabadda, waxaana loo taxaabay xabsiga.
Zamzam ayaa lagala baxay gurigeeda, waxaaana muddooyinkan ay hadallo kulul iyo eedeymo hawada u marineysay dowladda Soomaaliya, taas oo loo sababeynayo xarigeeda.
Sidoo kale, waxay dhawaan kasoo muuqatay kulamo dadweyne oo ay soo abaabuleen xubnaha mucaaradka, halkaas oo ay ka sheegtay dhibaato loo gaystay, iyada iyo qoyskeeda.
Mucaaradka ayaa durbadii war kasoo saaray xarigga Zamzam, waxayna si kulul u dhaliileen dowladda oo ay ku eedeeyeen inay weli dhibaato ku hayso shacabkeeda.
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo qoraal soo saaray ayaa afduub ku tilmaamay xarigga haweeneydan, isaga oo sheegay in weli uu sii kordhinayo tacaddiga ka socda magaalada Muqdisho.
“Waxaan si adag u cambaareynayaa xariga iyo tacadiyadda sii kordhaya ee ka socda Magaaladda Muqdisho gaar ahaan dhacdada ugu dambeysay ee caawa gurigeeda loogala baxay Samsam Cumar Cali oo ka mid ah dumarka suuqa Siinaay, wuxuuna afduubkaasi hoosta ka xariiqayaa sida madaxda dowladda Federaalka ah ay ugu tumanayaan sharciga iyo nidaamka dowliga ah,” ayuu yiri Shariifka.
Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Falkaan foosha xun wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo ay ciidanka Booliska sii wadaan barakicinta bulshada caasimadda gaar ahaan qoysaska ku nool xaafada Tarabuunka ee Degmada Hodan kuwaas oo la iskugu daray xarig iyo jirdil”.
Dhankiisa Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre oo isna warsaxaafadeed soo saaray ayaa dalab deg-deg ah u diray dowladda, wuxuuna ugu baaqay inay sii dayso Marwo Zamzam Cumar Cali oo ah hooyo korineysa carruur agoon ah.
“Waxaan Madaxweynaha ugu baaqayaa in si degdeg ah oo shuruud la’aan ah loo sii daayo hooyo Zamzam Cumar Cali oo duruufo adag ku korinaysa carruur agoon ah, kana joogsado xarigga hooyooyinka, barakicinta danyarta, & boobka dhulka dantaguud oo cuuryaaminaya horumarka dalka, dadka, iyo dowladnimada Soomaaliyeed,” ayuu yiri Xasan Cali Khayre.