26.1 C
Mogadishu
Tuesday, December 30, 2025

Mucaaradka Israel oo ka hor-yimid aqoonsiga SOMALILAND

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Tel Aviv (Caasimada Online) — Hoggaamiyaha Mucaaradka Israa’iil, Yair Lapid, ayaa Isniintii weerar culus oo dhanka afka ah ku qaaday Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu, isagoo ku eedeeyay fashil siyaasadeed oo la xiriira aqoonsiga Somaliland iyo safarka uu ku tagay Maraykanka isagoon wadan qorshe cad. 

Lapid, oo ka hadlayay kulan ay yeesheen Guddiga Arrimaha Dibadda iyo Gaashaandhigga ee Baarlamaanka (Knesset-ka), ayaa shaaca ka qaaday in go’aanka Jimcihii lagu aqoonsaday Somaliland uusan haysan oggolaanshaha Golaha Wasiirrada amaba Golaha Amniga Qaranka.

“Israa’iil waxay ku dhawaaqday inay tahay dalkii ugu horreeyay ee Somaliland u aqoonsada dowlad qaran,” ayuu yiri Lapid. “Laakiin tani ma ahayn go’aan xukuumadeed… wuxuu ahaa go’aan ku kooban xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.”

Wuxuu tilmaamay in tallaabadani ay banaanka soo dhigayso “maqnaanshaha siyaasad arrimo dibadeed oo fadhiya,” iyadoo dhalisay cambaarayn caalami ah oo kaga timid Turkiga iyo dalal badan oo Afrikaan iyo Carbeed ah, kuwaas oo u arka xadgudub ku ah sharciga caalamiga ah.

Ra’iisul Wasaare Netanyahu ayaa ku dhawaaqay aqoonsigan 26-kii December, kadib markii Israa’iil iyo Somaliland ay kala saxiixdeen bayaan is-aqoonsi ah. Wuxuu ballan-qaaday inuu Somaliland la yeelan doono iskaashi ballaaran oo dhinacyada beeraha, caafimaadka, tignoolajiyada iyo dhaqaalaha ah, isagoo tallaabadan ku saleeyay “ruuxda Heshiisyada Abraham.”

Dowladda Soomaaliya ayaa markiiba tallaabadan ku tilmaantay xadgudub qaawan oo ka dhan ah madax-bannaanideeda, iyadoo wacad ku martay inay u mari doonto waddo kasta oo diblomaasiyadeed, siyaasadeed iyo sharci ah si ay uga hortagto.

Cambaaraynta caalamka

Go’aankan ayaa durbadiiba la kulmay dhaleecayn kulul oo kaga timid dalalka gobolka iyo xulafada muhiimka ah ee Soomaaliya—sida Masar, Turkiga, iyo Jabuuti—kuwaas oo ka digay khatarta ay arrintani ku hayso xasilloonida gobolka iyo xeerarka caalamiga ah.

Midowga Afrika ayaa isna cod dheer ku taageeray, isagoo dib u xaqiijiyay mowqifkiisa adag ee ku aaddan ilaalinta midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

Sidoo kale, Adeegga Arrimaha Dibadda ee Midowga Yurub ayaa ku baaqay in la ixtiraamo “midnimada iyo qarannimada Soomaaliya,” isagoo dhiirrigeliyay in khilaafka u dhexeeya dowladda dhexe iyo Somaliland lagu xalliyo wadahadal.

Dowladda Shiinaha ayaa Isniintii ku biirtay mowqifka caalamiga ah, iyadoo si adag uga hortimid aqoonsigaas.  

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Lin Jian, ayaa dhaliilay dalalka taageera dhaq-dhaqaaqyada gooni-goosadka ah iyagoo eeganaya dano gaar ah, wuxuuna ugu baaqay Somaliland inay joojiso “falalka kala-goynta” iyo xiriirka shisheeye. 

- Advertisement -

Table of contents [hide]

Read more

Local News