27.9 C
Mogadishu
Thursday, October 23, 2025

Mucaaradka K/Galbeed oo ku wajahan Baydhaba xilli uu diidan yahay Laftagareen

Bookmark
Bookmarked

Share

Baydhaba (Caasimada Online) – Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo haatan kamid ah xubnaha mucaaradka ayaa sheegay in isaga iyo xubno kale ay berri ku wajahan yihiin magaalada Baydhaba ee xarunta KMG ah ee dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Mursal ayaa shaaca ka qaaday in Baydhaba ay u tegayaan arrimo la xiriira doorashooyinka qof iyo codka ah, si ay halkaas uga bilaabaan dhaq-dhaqaaq iyo ololahooda doorashada.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in ujeedka ugu wayn ee tagistooda Baydhaba ay la xiriirto mid lagu xoojinayo xisbiga ay diiwaangashadeen ee Horumarinta iyo Midnimada Qaran, kaas oo ay ugu talagaleen isaga iyo Shariif Xasan Sheekh Aadan in ay ku galaan doorashooyinka.

Maxamed Mursal oo xisbiga ka ah guddoomiye ku xigeen ayaa caddeeyay in Baydhaba ay ka furanayaan xarun cusub si ay u dardargeliyaan ololahooda, balse waxa uu tilmaamay in weli culeys uu ka jiro maamulka Laftagareen oo diidan qorshaha mucaaradka iyo tagistooda magaalada.

“21-ka bishaan ayaa u socdaa magaalada Baydhaba si aan furo xarunta xisbiga, Koonfur Galbeed irdaha ayaa u xiran, sheekada waxa ay noqotay dadka diyaaradaha laga kiraysto ayaa la handadaa, waxaa la dhahaa qofkaas masoo qaadi kartid,” ayuu yiri Mursal.

Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Shahaadada aan haysano ee guddiga doorashooyinka ayaa inoo fasaxaysa in aan tagi karno meel weliba oo aan xafiis ka furan karno, zisbigayga iyo kan Laftagareen way u siman yihiin Baydhaba”.

Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay haddii aan wax laga qaban arrintan inay dhaawaceyso heshiiska ay dhawaan la gaareen Villa Soomaaliya ee taabanaya doorashooyinka qof iyo codka ah ee la qorsheeyay in laga qabto gudaha dalka.

“Hadafka naga waxa uu ahaa in wax la saxo ee ma ahayn in khalalaaso iyo rabshad in ay sii socota, waxa aan ku qanacnay hadalka Madaxweynaha maadaama uu ogolaaday waxyaabaha muhiimka ah, Cutubka 4aad ee Dastuurka waa mid ka hadlaya Doorashooyinka oo aan lawada tuuri Karin, waxa aan Madaxweynaha ku amaanayaa go’aanka uu qaatay” ayuu mar kale yiri Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.

Koonfur Galbeed ayaa u muuqato in mar kale ay galeyso xaalad kacsanaan ah, waxaana ugu wacan doorashada maamulkaas oo haatan loo diyaar garoobayo, kadib markii Villa Soomaaliya ay qorsheysay in doorasho deg deg ah laga qabto saddexda maamul goboleed ee haray, maadaama uu mar hore ka dhammaaday muddo xileedka.

- Advertisement -

Read more

Local News