Muqdisho (Caasimada Online) — Beesha Caalamka, gaar ahaan Qaramada Midoobay, Midowga Yurub iyo Dowladda UK, ayaa si wadajir ah culeys siyaasadeed u saaray isbahaysiga mucaaradka ah ee “Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed,” iyagoo ugu baaqay inay aqbalaan casuumaadda Dowladda Federaalka ee ku aaddan ka qeybgalka madasha wadatashiga qaran ee loo qorsheeyay bisha soo socota.
Wakiillada Beesha Caalamka ayaa adkeeyay in xilligan xaasaasiga ah loo baahan yahay wada-hadal loo dhan yahay si loo gaaro is-afgarad ballaaran oo ku saabsan hannaanka doorashooyinka, ka hor inta aysan dhammaan muddada dastuuriga ah ee hay’adaha dowladda.
Hawlgalka Qaramada Midoobay ee Kaalmeynta Xilliga Kala-guurka ee Soomaaliya (UNTMIS) ayaa war-saxaafadeed ay soo saareen Arbacadii ku soo dhoweeyay ku dhawaaqista dowladda ee madal wadatashi qaran iyo casuumaadda loo fidiyay mucaaradka.
“Waxaan mar kale xaqiijinaynaa taageeradeenna wada-hadal loo dhan yahay oo lagu gaari karo is-afgarad ballaaran oo ku saabsan doorashooyin hufan ka hor inta aysan dhammaan muddada dastuuriga ah ee hay’adaha,” ayaa lagu yiri bayaanka UNTMIS, iyagoo ku dhiirrigeliyay Golaha Mustaqbalka inay si togan uga jawaabaan casuumaadda.
Sidoo kale, Safaaradda Ingiriiska ee Muqdisho ayaa dhankeeda soo dhoweysay shirka la filayo inuu furmo 1-da Febraayo. UK ayaa ku nuuxnuuxsatay in wada-hadal dhab ah uu fure u yahay xasilloonida siyaasadeed iyo in dalka laga qabto doorashooyin la isla oggol yahay oo horseeda horumar waara.
Danjiraha Midowga Yurub ee Soomaaliya, Francesca Di Mauro, ayaa iyaduna ku biirtay baaqyada caalamiga ah, iyadoo qoraal ay faafisay ku sheegtay in wada-hadal loo dhan yahay uu yahay mid “lama huraan u ah xasilloonida iyo horumarka dimuqraadiyadeed ee Soomaaliya.” Midowga Yurub ayaa ku boorriyay mucaaradka in xal laga gaaro ismari-waaga siyaasadeed ee ka taagan hannaanka doorashada iyadoo la ilaalinayo muddooyinka dastuuriga ah.
Cadaadiskan caalamiga ah ayaa ku soo beegmaya xilli hoggaamiyeyaasha Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed aysan weli ka jawaabin casuumadda dowladda.
Soomaaliya ayaa wajaheysa loollan waqtiyeed, iyadoo muddo-xileedka hay’adaha dowladda lagu wado inuu dhammaado bartamaha bisha May ee sanadkan.
Ismari-waaga ugu weyn ayaa salka ku haya nuuca doorasho ee dalka ka dhacaysa. Xukuumadda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa riixeysa nidaamka “hal qof iyo hal cod,” halka mucaaradku ay walaac ka muujiyeen in tallaabadaasi ay horseedi karto muddo kororsi aan sharci ahayn, iyagoo dalbanaya in la helo hannaan doorasho oo heshiis lagu yahay.
Inkasta oo casuumaadda dowladda ee 1-da Febraayo ay u muuqato tallaabo loo qaaday dhanka xalka, haddana falanqeeyayaasha siyaasadda ayaa ka digaya in haddii aan xal laga gaarin shuruudaha mucaaradka iyo ajandaha shirka, ay taasi caqabad ku noqon karto qabsoomidda wada-hadallada.

