26.1 C
Mogadishu
Tuesday, December 30, 2025

Mucaaradka oo ka digay qorshe uu Xasan Sheekh damacsan yahay Khamiista

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Xubnaha mucaaradka Soomaaliya ee kasoo horjeedo qorshaha Villa Soomaaliya ayaa weli sii wada dhaq-dhaqaaqyada ay uga Soo horjeedaan hirgelinta doorashooyinka qof iyo codka ah ee ka dhacay gobolka Banaadir.

Wasiirkii hore ee qorsheynta Soomaaliya, Cabdiraxmaan Caynte, hadana ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka ee dalka ayaa marka hore ka hadlay shirkii kusoo dhamaaday Kismaayo, wuxuuna sheegay in qabashadiisa uu sabab u ahaa Xasan Sheekh Maxamuud, maadaama uu diiday in lagaa heshiiyo hannaanka doorashooyinka, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu si adag uga horyimid doorashada goleyaasha deegaanka ee lagu wado in 25-ka bishan ay ka qabsoonto magaalada Muqdisho, taas oo haatan qaban qaabadeeda ay waddo dowladda Soomaaliya.

Caynte ayaa xusay haddii ay dhacdo doorashadan in uga sii dari doonto xaaladda siyaasadeed ee dalka, maadaama ay maqan yihiin qaar kamid ah maamul goboleedyada iyo xubnaha mucaaradka oo weli banaanka jooga.

“Doorasha ku sheegga uu Madaxweyne Xasan Sheekh ku qabanayo Xamar 25-ka bishan waxay cirka ku shareeri doontaa heerkulka siyaasadda dalka, waxaana sii xoogeysaneysa hubanti la’aanta hannaanka kala guurka ah” ayuu yiri Cabdiraxmaan Caynte.

Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Doorasho ku sheegga Gobolka Banadir ka dhaceysa waa mid natiijadeeda lasii bisleeyay, waxaana isku caana shubi doona kooxda talada dalka heysa oo doorashadaas ka ah qeybiye iyo qaate”.

Hoos ka akhriso qoraalka oo dhammaystiran:-

Bismillah,

Shirweynaha kusoo idlaaday magaalada #Kismaayo waxaa qabsoomiddiisa lahaa Madaxweyne Hassan Sheikh Mohamud, maxaa yeelay wuxuu iska diiday inuu siyaasiyiinta dalka kala heshiiyo hannaan doorasho oo heshiis lagu yahay. Taas si lamid ah ayuu shirkii Kismaayo ee 2019-kii ku qabsoomay, kaddib markii uu Madaxweyne Mohamed Abdullahi Farmaajo tubtan oo kale qaaday. Waxaa xusuusin mudan iney Farmaajo 2 sano u harsaneyd. Xasan Sheekh na 4 bilood ayaa u harsan.

Doorasha ku sheegga uu Madaxweyne Xasan Sheekh ku qabanayo Xamar 25-ka bishan waxay cirka ku shareeri doontaa heerkulka siyaasadda dalka, waxaana sii xoogeysaneysa hubanti la’aanta hannaanka kala guurka ah.

Doorasho ku sheegga Gobolka Banadir ka dhaceysa waa mid natiijadeeda lasii bisleeyay, waxaana isku caana shubi doona kooxda talada dalka heysa oo doorashadaas ka ah qeybiye iyo qaate.

Laakiin wuxuusan shaki iiga jirin inuu Madaxweyne Xasan Sheekh saaxiga keeni doono, kaddib marka doorasha ku sheegga Xamar dal & dibad lag diido, riyada muddo kororsiguna soo dhammaato.

Nin baa laga sheegay: “maalintaan tabarta lahaana talo ma hayn; markaan talo helayna tabar ma hayn.”

Afar bilood kaddib, Xasan Sheekh wuxuu noqon doonaa madaxweyne xoog ku jooga Villa Soomaaliya oo aan tabar iyo talo mid laheyn.

Maanta ayay talo u hartaye allow yaa u sheega inuu doorasho heshiis lagu yahay qabto?

- Advertisement -

Read more

Local News