25 C
Mogadishu
Friday, September 26, 2025

Mucaaradka oo ku adkeystay qabsoomida dibadbaxa berri xilli ay fashilmatay waan-waantii

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed ayaa ku dhawaaqday qabsoomida banaanbaxa berri, xilli ay fashilmatay waanwaan lagu doonayay in lagu baajiyo banaanbaxaasi, si aysan uga sii darin xiisadda taagan.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed iyo Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa barahooda bulshada, gaar ahaan Facebook ku baahiyay sawiro ay ku muujinayaan qabsoomida banaanbaxaasi.

“Banaanbax iyo xorriyadda hadalka waa xuquuq uu Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka dammaanad qaaday ayadoon cidna fasax la weydiisaneyn,” ayuu Shariifka ku yiri qoraalka uu caawa soo geliyay bartiisa Facebook.

Madaxweynihii hore ayaa wuxuu ku goodiyay haddii dowladdu isku daydo is-hortaaga banaanbaxaasi ay lumin doonto xaqeeda u hogaansanaanta. “Haddii xukuumaddu is hor istaagto xaqaas Dastuuriga ah, waxaa meesha ka baxaya xaqa fulinta ee Dastuuriga ah ee loogu hogaansanaa.”

Dhankiisa, Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay in banaanbaxa berri uu yahay waajib qaran oo lagu mideunayo codka bulshada, isla markaana looga hortagayo dhul boobka iyo dulmi uu sheegay in dowladda ku hayso shacabka.

“Si aan uga hortagno dhul boobka, barakicinta iyo dulmiga joogtada ah ee lagu hayo shacabka, waxaa waajib qaran nagu ah in aan codkeenna mideyno, innagoo si cad u muujinayna diidmaddeenna una istaagayna joojinta gaboodfalka,” ayuu yiri Xildhibaan Warsame.

Waxa uu intaas kusii daray “Berri, si wadajir ah ayaan isugu iman doonnaa Siinaay, Dayniille iyo Tarabuunka.”

Dhawaaqa kasoo yeeraya hoggaamiyeyaasha mucaaradka ayaa imanaya xilli saacadihii u dambeeyay ay socdeen kulamo u dhaxeeya mucaaradka iyo guddi xildhibaanno ah oo kasoo jeeda beesha Hawiye.

Sidoo kale, waxaa fiidkii caawa guriga madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed tegay Ugaas Maxamuud Cali Ugaas iyo ganacsadaha caanka ah ee Ibraahim Kaah iyo ganacsade Mursal Kadiye, kuwaas oo ku biiray dadaalada lagu qaboojinayo xiisada ka dhalatay bannaanbaxa ay ku baaqeen mucaaradka.

Kulankii u dhaxeeyay guddigii xildhibaannada beesha Hawiye ee ku baxay waan-waanta xiisadda dowladda iyo mucaaradka ayaa soo dhammaaday, kuwaas oo aysan kasoo bixi wax natiijo ah.

Dadaalada socda oo dhammaantood gundhig u ah baajinta bannaanbaxa, ayaa sida muuqata kusoo idlaaday fashil, maadaama ay mucaaradka kusii adkeysteen qabashada banaanbaxa berri.

- Advertisement -

Read more

Local News