Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka ee ku mideysan Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed ayaa si adag uga hadlay dhacdadii xalay gilgishay magaalada Muqdisho, taas oo haweeney Soomaaliyeed ay ku umushay iridda Isbitaalka Banaadir.
Xildhibaanka ayaa sheegay in dhacdadan xanuunka badan ay muujinayso mas’uuliyad darro, naxariis la’aan iyo dareen ka baxsan bani’aadantinnimada.
“Muuqaalka hooyada ku ummulaysay ardaaga hore ee cusbitaal Banaadir waa mid qarracan iyo qalb ijab ah. In hooyooyinka danyarta ah jidka ku ummulaan, kuwa kalana la barakiciyo, halka qaar kalana kaarka aqoonsiga saqdhexe saf u galaan oo waddooyinka ku hoydaan ma aha oo keli ah in xuquuqdoodii muwaaddinnimo lagu tuntay ee waxa lagu xadgudbay sharftoodii iyo dadnimadoodii,” ayuu yiri Warsame ku yiri qoraal uu soo saaray maanta.
Sidoo kale wuxuu isweydiiyay sida ay ku dhici karto in hooyo ummulaysa isbitaal dowladdu leedahay laga xirto, kadibna lacag lagu sandulleeyo, iyada oo ay dowladdu cashuur ka qaaddo guri, ganacsi, iyo gaadiid walba oo jidka maraya. “Maxaa sabab u ah, maxaa se lagu fasiri karaa silica hooyooyinka?” Ayuu isweydiiyay siyaasigan mucaaradka ah.
Waxa uu intaas kusii daray “Waxaa sabab u ah rageenna, kuwa ay u dhaxeen iyo ubadka ay dhaleen ama ehelkooda ah oo dulmiga ku daawanaya. Waxaan u kala baxnay kuwa danysi afqabtay, kuwo fulaynimo la aamusan iyo kuwo ka dan la’ oo aad mooddo in uu dal kale ku nool yahay ama dulmigu haleeli doonin.”
Hoos ka aqriso qoraalka Warsame oo dhameystiran:
Muuqaalka hooyada ku ummulaysay ardaaga hore ee cusbitaal Banaadir waa mid qarracan iyo qalbi-jab ah. Wuxuu muujinayaa mas’uuliyad darro naxariis la’aan, iyo dareen ka baxsan bani’aadantinnimada.
In hooyooyinka danyarta ah jidka ku ummulaan, kuwa kalana la barakiciyo, halka qaar kalana kaarka aqoonsiga saqdhexe saf u galaan oo waddooyinka ku hoydaan ma aha oo keli ah in xuquuqdoodii muwaaddinnimo lagu tuntay ee waxa lagu xadgudbay sharftoodii iyo dadnimadoodii.
Sidee ayey ku dhici kartaa in hooyo ummulaysa cisbitaal dawladdu leedahay laga xirto, ka dibna lacag lagu sandulleeyo, iyada oo ay dawladdu cashuur ka qaaddo guri, ganacsi, iyo gaadiid walba oo jidka maraya. Maxaa sabab u ah, maxaa se lagu fasiri karaa silica hooyooyinka?
Waxaa sabab u ah rageenna, kuwa ay u dhaxeen iyo ubadka ay dhaleen ama ehelkooda ah oo dulmiga ku daawanaya. Waxaan u kala baxnay kuwa danysi afqabtay, kuwo fulaynimo la aamusan iyo kuwo ka dan la’ oo aad mooddo in uu dal kale ku nool yahay ama dulmigu haleeli doonin.
Baraarug bilow ah
Shalay ciyaartii kamaddanbaysta ahayd ee dhexmartay degmooyinka Hawlwadaag iyo Warsheekh, Madaxweynaha markii lagu wargeliyey in lagu oriyey, lana tuuryeeyey Duqii Muqdisho iyo Taliyihii Booliska Gobolka Banaadir, in uu ka cabsaday in uu dadwaynaha salaamo, ka dib waa kii illinka danbe ee VIP-da boobay ee si qarsoodi ah loo bixiyey.
Tani waxay tilmaamaysaa baraarug cusub iyo sida shacabku u karhay maamulka dhiigmiiradka ah. Waana tusaale muujinaya marka shucuubta qalbigoodu ku diiddo, ee ku nacdo.
Waxaad ogaataan aqoonteenna, xirfadeenna, waqtigeenna iyo tamarteenn oo la ababulay waxay noqon karaan awood madani ah oo si nabad ah dulmiga iyo dullaynta dhiigmiiratada la iskaga caabiyo, loolana xisaabtamo.
Haddiise habdhaqanka dhiigmaradka iyo cadaadisku sii socdo wuxuu sababi karaa qarax ay dhici karto inuu ina dhaxalsiiyo qalalaase aan cidna joojin karin, fidnadu daan la qabto ayey leedahay, ee dabo la qabto ma leh.
Dawladnimo waa in adeeg, amni, xuquuq xorriyad, sharaf, iyo fursad laga helo, laakiin gaajo, rajo la’aan, iyo caddaalad darro, lagu laray takrifal iyo dullaysi lama daawan karo. Waa in damiirku ina gubo.

