27.9 C
Mogadishu
Saturday, June 7, 2025

Mucaaradka oo walaac xooggan ka muujiyay arrin ay ku howlan tahay dowladda

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiyiinta mucaaradka oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa ka hadlay arrin culus oo ay ku howlan tahay dowladda federaalka Soomaaliya, taas oo la xiriira hannaanka loo wajahayo dhismaha Guddiga cusub ee Xuquuqul Insaanka.

Madasha Samatabixinta oo ay ku mideysan yahay inta badan xubnaha mucaaradka ayaa bayaankan walaac xoogleh uga muujisay, sida loo dhisayo Guddiga Madaxa bannaan ee Xuquuqul Insaanka oo su’aallo iyo shaki laga muujiyay hannaanka loo marayo.

“Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed waxay walaac xooggan ka muujinaysaa hannaanka loo marayo xulista xubnaha Guddiga Madaxabannaan ee Xuquuqul Insaanka” ayaa lagu yiri Bayaanka.

Sidoo kale mucaaradka ayaa tilmaamay in qaabka wax loo wado, gaar ahaan xulista xubnaha guddigan ay baalmarsan tahay dastuurka iyo shuruudcda dalka, ayna ka digayaan.

“Xulista xubnaha Guddiga oo ka mid ah Guddiyada Madaxabannaan ee dastuuriga ah ayaa si cad u baal marsan qodobada 41aad iyo 111b ee Dastuurka Ku-Meel Gaarka ah oo dhigaya in Baarlamaanka Federaalka uu dhiso guddi Xuquuqda Aadanaha u qaybsan oo ka madax bannaan maamulka Dawladda, ahaadana mid loo dhan yahay” ayaa lasii raaciyay.

Madashu waxaa kale oo ay intaasi ku dareen in Villa Soomaaliya iyo xukuumadda ay dhisayaan guddi maqaar saar ah, isla markaana laga leeyahay dano siyaasadeed oo gaar ah, sida ay hadalka u dhigeen.

Waxaa kale oo ay Madasha soo jeedisay in la hakiyo xulista guddigan, illaa inta aga helayo waddo sharci ah oo loo maro dhismaha Guddiga Madaxabannaan ee Xuquuqul Insaanka” ayaa lagu yiri Bayaanka.

Ugu dambeyn waxay baaq u direen dowlad-goboleedyada, difaacayaasha xuquuqda aadanaha iyo beesha caalamka oo ay ka dalbadeen inay isha ku hayaan dhismaha guddigan cusub.

Dhowaan ayaa la shaaciyay imtixaan la sheegay in laga qaadayo xubno usoo gudbday wareegga u dambeeya ee ku biirista guddiga, waxaana kasoo muuqday xubno ka tirsan xukuumadda oo uu kamid yahay afhayeenka xukuumadda, Farxaan Maxamed Jimcaale.

- Advertisement -

Read more

Local News