Muqdisho (Caasimada Online) – Xubnaha mucaaradka ee la magac baxay Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa si adag uga hadlay tallaabada ay qaaday Israel, kuna aqoonsatay Somaliland.
Qoraalka ayaa waxaa lagu sheegay in tallaabada Israel ay meel ka dhac ku tahay madax bannaanida, wadajirka dhuleed, iyo midnimada Soomaaliya, sidoo kalena ay kasoo horjeedo xeerarka caalamiga ah, gaar ahaan Axdiga Qaramada Midoobay iyo xeerarka aasaasiga ah ee Ururka Midowga Afrika.
“Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed waxay si cad oo aan leex-leexad lahayn u diidan tahay tallaabada ay maamulka Israa’iil ku aqoonsadeen maamulka Somaliland. Tallaabada noocaan oo kale ah waxay meel ka dhac weyn ku tahay madax bannaanida, wadajirka dhuleed, iyo midnimada qaranka Soomaaliyeed, waxayna xad gudubka bareer ah ku tahay mabaadi’da sharciga caalamiga ah ee ku xusan Axdiga Qaramada Midoobay iyo xeerarka aasaasiga ah ee Midowga Afrika” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay Madasha.
Sidoo kale, waxaa mucaaradka uu si weyn uga horyimid qorshaha la doonayo in shacabka Falastiin loogu soo raro dhul Soomaaliyeed, iyag oo tilmaamay in tallaabadaasi ay tahay mid aan la aqbali karin, kana soo horjeedaan.
“Shacabka Soomaaliyeed marna ma aqbali doonaan in shacabka Falastiin la duudsiiyo xaqooda oo dib loo dejiyo dhul Soomaaliyeed, halkii loo celin lahaa xuquuqda sharciga ah ee dalkooda hooyo” ayaa mar kale lagu yiri bayaanka.
Waxaa kale oo ay Madasha Samatabixinta farriin cad u dirtay beesha caalamka, Qaramada Midoobay, Midowga Afrika iyo Jaamacadda Carabta oo ay ka dalbatay in ay garab istaag buuxa u muujiyaan shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed, isla markaana ay ka dhiidhiyaan xadgudubka Israel.
“Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed waxey ugu baaqaysaa Midowga Afrika, Jaamacadda Carabta, iyo Qaramada Midoobay in ay garab istaagaan dawlada iyo shacabka Soomaaliya kana hortagaan fal kasta oo xadgudub ku ah midnimada, madax-bannaanida, iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya” ayaa lasii raaciyay warsaxaafadeedka ay soo saartay Madasha Samatabixinta.
Hadalkan waxaa ka horreeyay jawaab rasmi ah oo ay dowladda Soomaaliyeed ka bixisay aqoonsiga ay Israel siisay Somaliland, iyada oo tilmaamtay inuu yahay mid sharci-darro ah, oo aan waxba ka jirin, kana hor imanaya madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.
War-saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo ku taariikheysan 26-ka Diseembar 2025 ayaa lagu caddeeyay in tallaabada Israa’iil ay si toos ah ugu xadgudbayso Dastuurka ku-meelgaarka ah ee Soomaaliya, Axdiga Qaramada Midoobay, iyo heshiisyada aas-aaska u ah Midowga Afrika, gaar ahaan mabda’a ilaalinta xuduudaha dalalka Afrika ee lagu dhaxlay xornimada.
Dowladda ayaa sidoo kale ku adkaysatay in Soomaaliya ay weli ka go’an tahay ilaalinta nabadda gobolka, xasilloonida caalamka, iyo ku dhaqanka shuruucda caalamiga ah, isla markaana aysan oggolaan doonin tallaabo kasta oo dhaawacaysa jiritaanka iyo midnimada qaranka Soomaaliyeed.


