27.3 C
Mogadishu
Sunday, December 28, 2025

Mucaaradka oo war cusub soo saaray kadib kulankii Xasan ee midnimada

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Hoggaamiyeyaasha mucaaradka ee ku mideysan Madasha Samatabixinta oo shalay la kulmay Madaxweynaha Soomaaliya ayaa soo saaray war-saxaafadeed ay ku cadeynayaan inay Xasan Sheekh ku garabsiinayaan difaaca midnimada.

Kulankaas waxaa isugu yeeray Madaxweynaha kaddib go’aankii ay Israa’iil ku sheegtay Jimcihii inay Somaliland u aqoonsatay dal madax-bannaan, arrintaas oo diidmo iyo carro xooggan ka abuurtay caalamka.

Madasha ayaa Madaxweynaha u jeedisay tallooyin dhowr ah, oo ay kamid tahay: In uu la yimaado Qorshe cad iyo istiraatiijiyad qaran oo lagu wajahayo halista kala qaybin­ta dalka iyo tan argagixisada ee haatan taagan.

Sidoo kalena in la helo aragti mideysan oo dalka looga badbaadinayo hubanti-la’aanta siyaasadeed ee marxaladda kala-guurka, taasoo saldhig u ah jiritaanka dawlad sharciyad leh oo dalka ka difaacda halista taagan iyo kuwo nagu soo wajahan.

“Madashu waxay Madaxweynaha iyo xukuumaddiisa u xaqiijinaysaa in ay si buuxda ugu garab taagan tahay difaaca iyo ilaalinta midnimada dalka, waxayna ka filaysaa in uu meelmarinayo talooyinka wax ku oolka ah ee kulanka la isku waydaarsaday,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka Madasha.

Kulankaas oo sida aan hore u baahinay fashil kusoo dhamaaday, ayaa dhinacyadu isku fahmi waayeen in la gaaro heshiis siyaasadeed oo gudaha, si markaas si wadajir ah loogu wajaho xaaladda ka soo cusboonaatay Somaliland.

Mucaaradka ayaa Madaxweynaha u soo jeediyay inuu si rasmi ah uga laabto wax-ka-beddelladii uu ku sameeyay dastuurka, ka laabto doorashada ay ku tilmaameen “hal dhinac ah”, kuna dhawaaqo shir qaran oo loo dhan yahay.

Hase yeeshe, Xasan ayaa ku adkaystay go’aamadiisii hore, wuxuuna sheegay in aan siyaasad lagala hadli karin kulanka, isla markaana aan la joogin xaalad siyaasadeed oo dood loo furo, taasoo keentay in aan waxba la isku raacin.

Hoos ka aqriso war-saxaafadeedka oo dhameystiran:

Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed waxay xalay oo ay taariikhdu ahayd 27/12/2025, kulan wadatashi ah la yeelatay Madaxweynaha Jamhuuriyadda, Ra’iisul Wasaaraha, Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka, iyo qaar ka mid ah xubnaha Golaha Wasiirrada.

Kulanka oo ku qabsoomay jawi masuuliyad qaran iyo midnimo leh, ayaa diiradda lagu saaray xoojinta midnimada dalka iyo sidii si wadajir ah looga hortegi lahaa duullaanka qaawan ee uu ku hayo midnimada iyo madax-bannaanida dhuleed ee Soomaaliya, iyo jawaab qaran oo qalanta.

Kulanka oo si dhab ah looga dooday sababaha keenay kala-qaybsanaanta, iyo habka ugu habboon ee khatarta na dul hoganaysa looga badbaadi karo, isla markaana loogu beddelo fursad lagu xoojinayo midnimada gudaha iyo wadajirka, ayaa Madashu u jeedisay Madaxweynaha talooyinka soo socda:

  1. In uu la yimaado Qorshe cad iyo istiraatiijiyad qaran oo lagu wajahayo halista kala qaybin­ta dalka iyo tan argagixisada ee haatan taagan.
  2. In si xalkaasnimo iyo masuuliyad qaran ku dheehan tahay u qaado tallaabooyin dhab ah oo lagu xallinayo sababaha aasaasiga ah ee keenay kala-qaybsanaanta gudaha.
  3. Iyo in la helo aragti mideysan oo dalka looga badbaadinayo hubanti-la’aanta siyaasadeed ee marxaladda kala-guurka, taasoo saldhig u ah jiritaanka dawlad sharciyad leh oo dalka ka difaacda halista taagan iyo kuwo nagu soo wajahan.

Madashu waxay Madaxweynaha iyo xukuumaddiisa u xaqiijinaysaa in ay si buuxda ugu garab taagan tahay difaaca iyo ilaalinta midnimada dalka, waxayna ka filaysaa in uu meelmarinayo talooyinka wax ku oolka ah ee kulanka la isku waydaarsaday.

Ugu dambayn, Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed waxay dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed ugu baaqaysaa in ay u midoobaan ilaalinta iyo difaaca madax-bannaanida iyo midnimada dalka, iyadoo adkaynaysa in khataraha gudaha iyo kuwa dibadda looga gudbi karo oo keliya isku-duubni qaran iyo heshiis siyaasadeed oo lagu dhaafo kala-qaybsanaanta gudaha laguna xaqiijiyo mustaqbal qaran oo xasilloon.

-Dhamaad-

- Advertisement -

Read more

Local News