Muqdisho (Caasimada Online) – Mucaaradka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in wixii maanta ka dhacay magaalada Muqdisho aan lagu tilmaami karin doorasho.
Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi), xoghayaha siyaasiyiinta mucaaradka ah ee ku mideysan Madasha Samatabixinta, ayaa sheegay in god dheer kusii dhacday rejadii dadka Soomaaliyeed ee doorasho qof iyo cod.
Doorashadii maanta ka qabsoomtay magaalada Muqdisho ayuu ku tilmaamay mid shaki kala dhex dhigtay dadka iyo doorasho, taas oo sii fogeynaysa rejadii dadka Soomaaliyeed ka qabren in mar uun loo dareero doorasho qof iyo cod oo xor iyo xalaal ah.
“Doorashooy xaal qaado! Waan ka xumahay in rajadii dadka Soomaaliyeed ee doorasho qof iyo cod ah la sii foogeeyey, shakina la kala dhex dhigay dadka iyo doorasho!,” ayuu yiri Koofi oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Facebook.
Xubnaha mucaaradka ee qaybta ka ah Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo shalay shir jaraa’id ku qabtay hoteelka Jaziira ayaa si adag uga horyimid doorashada maanta ka qabsoomtay magaalada Muqdisho.
Xubnahan oo ay kamid yihiin Madaxweyne hore Shariif Sheekh Axmed iyo Ra’iisul wasaareyaal hore oo dalka soo maray ayaa ku eedeeyay kooxda Villa Soomaaliya in lacagihii ummadda Soomaaliyeed ay u adeegsatay xisbigooda iyo ololaha doorashada, isla markaana doorashada ay tahay mid hal dhinac ah.
Mucaaradka ayaa si cad u sheegay in aysan aqbali doonin natiijo kasta oo kasoo baxda doorashadan, oo ay ku tilmaameen mid sharci darro ah iyo waqti lumis, ujeedaduna tahay muddo kororsi, taasna ay kasoo horjeedaan.
Xubnaha mucaaradka, Jubbaland iyo Puntland ayaa si wayn u saluugsan qaabka ay wax u wado dowladda Soomaaliya, waxayna kol-hore ka istaageen bannaanka.
Dhawaan ayay ahayd markii ay tageen Kismaayo oo ay kula soo shireen madaxda Jubbaland iyo Puntland, iyaga oo soo saaray go’aanno ka dhan ah doorashada qof iyo codka ah ee maanta ka dhacday Muqdisho, taas oo gadaal ka riixaysay Villa Somalia.
Golaha ayaa waxba kama jiraan ku sheegay wax ka beddelka dastuurka ee Dowladda Federaalka sameysay, iyadoo sidoo kale goluhu caddeeyay in uusan marnaba aqbaleyn muddo kororsi sharci darro ah, taas oo uu sheegay inay abuurayso xasillooni darro siyaasadeed, firaaq dastuuri ah iyo qalalaase amni.
Dhinacyada ayaa sidoo kale isku raacay haddii Madaxweynaha uu iska dhago tiro baaqyadan in ay guda geli doonaan sidii loo qaban lahaa doorasho looga hortagayo firaaq dastuuri ah, qalalaase amni iyo halista argagixisada.

