Muqdisho (Caasimada Online) โ Mucaaradka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku guuleystay inay isbaheysi saddex geesood ah la sameystaan Madaxweyneyaasha Jubaland iyo Puntland ka hor wada-hadallada la filayay inay u furmaan Madaxweyne Xasan Sheekh iyo labada hoggaamiye goboleed.
Labada hoggaamiye iyo xubnaha mucaaradka oo ku shiray magaalada Nairobi ayaa ku heshiiyay in la dhiso Golaha Mustaqbalka Soomaaliya oo ay ku mideysan yihiin Madasha Samatabixinta Soomaaliya iyo maamullada Jubaland iyo Puntland.
Sidoo kale waxay dhinacyadan isla gaareen in sida ugu dhaqsah badan shir kale loogu qabto gudaha dalka Soomaaliya, si looga gaaro heshiis siyaasadeed oo ku saabsan mustaqbalka dalka.
“Kulanka ayaa lagu goโaamiyay in shirka socda lagu dhammeystiro dhismaha Golaha Mustaqbalka Soomaaliya iyo in shacabka Soomaaliyeed loogu baaqo midnimo iyo iskaashi, loona istaago ilaalinta qarannimada, xasilloonida iyo wadajirka dalka,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay shirka mucaaradka iyo Madaxweyneyaasha Jubaland iyo Puntland.
Sidoo kale, bayaanka ayaa lagu xusay in shirka Nairobi uu ahaa mid lagu dhisayay kalsooni siyaasadeed, isla markaana lagu xoojinayay dadaallada lagu doonayo in Soomaaliya hesho โmustaqbal wanaagsan oo horseeda xasillooni siyaasadeed, amni sugan iyo horumar dhaqaale.โ
Qodobka koowaad ee bayaanka ayaa loo arki karaa inuu ka dhigan yahay in ay burbureen wada-hadalladii Axmed Madoobe iyo Xasan Sheekh, inkasta oo aan la hubin, maadaama sida muuqata la dhisayo isbahaysi cusub oo ka dhan ah dowladda federaalka.
Tan ayaa ka dhigan in mucaaradka uu ka hor tegay qorshaha uu Madaxweynaha Soomaaliya uu doonayay inuu siyaasiyiinta mucaaradka ku soo istaajiyo meel cidlo ah, isla markaana uu si gaar gaar ah ula heshiiyo maamullada Jubaland iyo Puntland ka hor doorashada.
Madaxweynaha ayaa doonayay inuu tanaasul badan u sameeyo labada maamul, isagoo ku hormarayay wada-hadallada Jubaland, hase yeeshe isbeddelada soo kordhay ayaa caqabad ku noqday qorshahan.
Safarkii Madaxweynaha Soomaaliya ee lagu waday inuu Jimcaha ku tago magaalada Kismaayo ayaa hakad galay, kadib caqabadaha siyaasadeed ee soo kordhay, kuwaas oo sii fogeynaya xal u helida xiisadda dowladda federaalka iyo maamulka Jubaland.
Wafdiga hordhaca ah ee madaxtooyada iyo ciidanka ilaaladiisa oo shalay qorshuhu ahaa in ay Kismaayo gaaraan ayaa dib loo dhigay, waxaana dib u dhaca loo sababeeyay in aan la fulin tallaabooyin hordhac u ahaa socdaalka Xasan Sheekh.
Ilo-wareedyo xog-ogaal ah ayaa sheegay in hoggaamiyaha Jubaland uusan weli diyaar u ahayn inuu la kulmo Madaxweynaha, iyadoo suuragal ah in Axmed Madoobe uun Kismaayo tago kadib Isniinta, taas oo meesha ka saaraysa jadwalkii hore ee socdaalka.
Inkasta oo Madaxweyne Xasan Sheekh uu muujiyay rabitaan ku aaddan safarkiisa, haddana waxaa muuqata in Axmed Madoobe ku adkaysanayo sharciyada doorashadiisa. Si kastaba, Mucaaradka iyo Saciid Deni ayaa Madoobe u arka mid muhiim u ah dagaalka Madaxweyne Xasan Sheekh, iyagoo haatan ku qanciyay in uu dib uga joogsado la hadalkiisa, uuna aad uga fiirsado baaqiisa.