29.2 C
Mogadishu
Thursday, November 20, 2025

Mucaaradka oo xoqanaya kaarka dhibane Axmed Siicow

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta lasoo laabay gogosha tacsida Allaha u naxariistee Liibaan Xaashi Ciise oo maalmo ka hor lagu dilay iska hor imaadkii ka dhacay saldhiga Warta Nabadda.

Iska hor imaadkaas ayaa dhacay kadib markii ciidamada booliska Soomaaliya ay soo xireen askar ku eedeysan inay jirdil xoogleh kula kaceen Aabe Sheekh Axmed Siicow Maxamed, oo kamid ah dadka laga saaray dhulka danta guud ee xaafadda Siinaay.

Booliska oo markaas u yeeray Aabe Axmed Siicow ayaa raalli-gelin ka siiyay falkaas, iyadoo warbaahintana uu kula hadlay saldhiga warta nabadda oo lagu soo bandhigay raggaan, ayay ka dul dhaceen hoggaamiyeyaasha mucaaradka oo wata ciidan hubeysan, waxaana isla markaaba bilowday is-rasaaseynta labada dhinac.

Kadib iska hor imaadkaasi, mucaaradka ayaa sheegay in naftooda halis geliyay, isla markaana ay ciidamada dowladda u bareereen iyagoo u socday inay so damiintan shacab ay dhibaato u geysteen ciidanka booliska oo lagu xiray saldhigaasi, sida ay sheegeen.

Mucaaradka ayaa isla habeenkaasi ku dhawaaqay banaanbax dadweyne oo looga soo horjeedo barakicinta dhulka danta guud ee magaalada Muqdisho, kaasi oo markii dambe la baajiyay kadib guddi xildhibaanno iyo dhaqan ah oo waanwaan ka dhex sameeyay dowladda iyo mucaaradka.

Inkastoo oo mucaaradka uusan gebi ahaanba ka laaban qabashada banaanbaxa, haddana waxaa dib loo dhigay muddo 9 maalmood gudahood, iyadoo wixii farsamo ah laga shaqayn doono ka hor. Sidoo kale waxaa la isla gartay in dowladda iyo mucaaradka si wadajir ah uga shaqeeyaan bannaanbaxa, si uu ugu qabsoomo nabad ay dowladdu amnigeeda sugeyso.

Mucaaradka ayaa mar kale maanta shaaciyay in ay diyaar u yihiin garab siinta dadka la barakiciyey, iyagoo sheegay in Aabbe Axmed uu tusaale muuqda u yahay dadkii deegaankooda laga barakiciyey.

“Adeer Axmed, wuxuu la yimi adkaysi, wuxuu aaminay in xaqu ka awood badan yahay baaddilka. Marnaba ma aysan niyadjabin in uu da’yahay oo aanu haysan awood ciidan iyo cudud dhaqaale midna. Isaga ayaa isku tashaday iyo wixii garab ah ee uu cid ka heli karay,” ayuu Cabdiraxmaan Cabdishakuur ku yiri qoraal uu soo saaray maanta.

Hoos ka aqriso qoraalka oo dhameystiran:

Waxaa lagu xaaqay cagaf, dhulka ayaa lagu jiiday, waa lagu joogjoogsaday, waa la jirdilay, xabsiga ayaa la dhigay. Waxaa la gula kacay fal kasta oo bahdilaad iyo handadaad ah si xuquuqdiisa loo duudsiiyo. Laakiin, Xaaji Axmed Siicow wuu diiday in uu isdhiibo oo uu xaqiisa ka tanaasulo.

Taasi waxay dhaxalsiisay in uu muddo gaaban gudaheed isu beddelo halyeeyey loo hoydo, askartii jirdilka u geystay xabsiga loo taxaabo, kuwii ka dambeeyey askarta falka arxandarrada ah ku kacdayna ay ku qasbanaadaan in ay raalligelin siiyaan, ka dibna ay isku sawiraan.

Adeer Axmed, wuxuu la yimi adkaysi, wuxuu aaminay in xaqu ka awood badan yahay baaddilka. Marnaba ma aysan niyadjabin in uu da’yahay oo aanu haysan awood ciidan iyo cudud dhaqaale midna. Isaga ayaa isku tashaday iyo wixii garab ah ee uu cid ka heli karay.

Xaaji Axmed waxaa taa u fududeeyey in uu lahaa sifada ku dhaca, oo ah mid la’aanteed aanay macne ku fadhiyin dhammaan sifooyinka kale ee wanaagsan, sababtoo ah qofna ma joogtayn karo sifo kasta oo wanaagsan haddii uusan ku dhac lahayn.

Adeer Axmed, waxa uu tusaale muuqda u yahay dadkii deegaankooda laga barakiciyey. Haddii aad ku adkaysataan oo aad u halgantaan dhacsashada xaqiiqiina ogaada waad helaysaan.

Dhallinyarada, waxgaradka iyo aqoonyahanka, gaar ahaan kuwa waalidiintoodii iyo ehelkoodii la baraciyey waajib ayaa ka saaran abaabulka dadkooda sidii ay ugu celin lahaayeen goobihii laga soo barakiciyey.

Waxaan diyaar u nahay in aan garab siino dadkii la barakiciyey, ee awoodda dawladnimo awgeed sida fooshaxun ee dadnimada ka baxsan loogu tacaddiyey.

- Advertisement -

Read more

Local News