Muddo xileedkii madaxda HirShabelle oo dhamaaday iyo ciidamo la geeyey Jowhar

Jowhar (Caasimada Online) – HirShabelle oo ku jirto marxalad adag oo kala guur ah iyo doorasho ayaa haatan wajaheysa xiisado siyaasadeed oo hor leh, iyada oo uu dhammaaday muddo xileedkii afarta sano ahaa ee madaxda maamulkaasi.

Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare iyo ku xigeenkiisa, Cali Cadullahi Xuseen (Guudlaawe) ayaa wuxuu waqtigu ka idlaaday shalay oo ay ku beegneyd 17-kii October ee sanadkan 2020-ka.

Sidoo kale wuxuu qorshuhuu ahaa in ka hor inta uusan dhammaan muddo xileedka hay’adaha kala duwan ee HirShabelle in la qabto doorashada guud ee maamulkaasi, balse ma dhicin, waxaana jira is-qabqabsi iyo dood ka taagan dhismaha HirShabelle.

Arrinta la’isku hayo ee haatan taagan ayaa ah xilka madaxweynaha oo ay ku muransan yihiin beelaha dega gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Waxaa sidoo kale isa soo taraya cabashooyinka ka imaanaya dadka deegaanka, iyada maamulka hadda jirana lagu eedeynayo inuu ka gaabiyey horumarinta HirShabelle.

Xaaladda ayaa ah mid cakiran, iyadoo Waare uu ku sugan yahay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, halka Cali Guudlaawe oo u sharraxan xilka madaxweynaha iyo guddoomiyaha baarlamaanka ay haatan olole xoogan ka wadaan magaalada Jowhar.

Siyaasiyiinta iyo waxgaradka ka soo jeeda Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe ayaa dhankooda ka digaya in burbur iyo kala qeyb sanaan uu ku yimaada HirShablle.

Dhanka kale dowladda Soomaaliya oo ku adkeysaneysa in la qabto doorashada maamulkaasi ayaa ciidamo dheeraad ah ah geysay magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha Dhexe, kuwaas oo loogu talagalay inay xoojiyaan amniga guud.

Ilo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in ciidamada la geeyey halkaasi ay yihiin kuwa sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad, kuwaas oo ka shaqeyn doono nad-gelyada Jowhar oo martigelineysa labo doorasho oo is-dulsaaran waqti ahaan, sida tan HirShabelle & soo doorashada labada gole ee baarlamaanka Soomaaliya.

Xogta aan helnay ayaa sidoo kale sheegeysa in maalmaha soo socda dowladda dhexe ay qorsheyneyso in ciidamo kale oo dheeraad ah la geeyo magaallo madaxda Jowhar.

HirShabelle ayaa muddo fog la daala dhaceysay daruufo is-biirsaday oo ay ugu horreeyo amniga, waxaana falal liddi ku ah nabad-gelyada ay ka dhacaan deegaanada maamulkaasi.