27.2 C
Mogadishu
Wednesday, June 25, 2025

Mugabe oo bixiyey hadiyadii ugu qosolka lahayd

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dalka Zimbaabwe Robert Mugabe ayaa qaaday talaabo geesinimo leh, kadib markii uu ku dhiiraday in 300 neef Lo’ ah uu ugu deeqay Hay’adda Midowga Afrika ee kobcinta Afrika.

Mugabe ayaa sababta bixinta xoolahaasi ku sheegay inay tahay qeyb kamid ah dabaal-daga dhalashadiisa,waxaana uu sheegay in uu ugu talagalay in lagula dagaalamo Faqriga kusii baahaaya Qaarada madow ee Africa.

Mugabe, ayaa xoolahaasi ku wareejiyay Ku-xigeenka Guddoomiyaha Ururka Midowga Afrika, Erastus Mwencha, waxa ayna hadda ku jiraan xoolahaasi deegaan ku dhow Degmo yar oo ku taalla Waqooyi bari ee caasimadda dalka Zimbabwe ee Harare.

Wargeyska ay leedahay Dowladda Zimbabwe ee Herald newspaper,ayaa sheegay in Madaxweynaha uu deeqdan ugu talagalay in lagula dagaallamo gaajada Afrika,hay’addana ugu dhiibay in ay kaga maaranto deeqaha Caalamka.

Docda kale, Deeqda Mugabe, waxa ay ku soo aaday iyada oo inta badan Dalkiisa ay ka jirto abaar ay ku dhinteen dad kabadan 19,300 oo qof, kadib markii ay waayeen Biyo iyo Cunto.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News