MUKHTAAR ROOBOW oo ka mid noqday golaha wasiirada iyo xilka loo magacaabay

Muqdisho (Caasimada Online) – Sheekh Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) ayaa goordhoweyd si rasmi ah uga mid noqday Golaha Wasiirada cusub ee Ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre.

Sheekh Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) oo muddo u xirna dowladdii hore ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waxaa loo magacaabay wasiirka wasaarada diinta iyo awqaafta.

Arrintaan ayaa waxaa la sheegay inay si weyn uga qayb-qaateen xildhibaanno ku dhow dhow guddoomiyaha golaha shacabka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Madoobe.

Sidoo kale waxaa siyaabo kala duwan uga hadlay mas’uuliyiin iyo siyaasiyiin caan ah, waxaana ka mid ah afhayeenkii hore ee xukuumadda Soomaaliya, haatana ah xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya, Mudane Maxamed Ibraahim Macallimuu.

Qoraal uu Macallimuu soo dhigay bartiisa Facebook-ga ayaa waxa uu ku yiri “Xabsi ilaa wasiir. Ku soo dhawoow naadiga”.

Sheekh Roobow oo horey uga tirsanaa kooxda Al-Shabaab, balse isku soo dhiibay dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo dhoweysay ayaa ka mid ahaa musharixiintii isku soo taagay madaxweynaha Koonfur Galbeed, balse isaga oo musharrax ahaa laga soo xiray Baydhabo.

Si kastaba, golaha wasiirada lagu dhawaaqay ayaa ka kooban 25 Wasiir, halka xukuumaddii hore aheyd 26 Wasiir, iyadoo la baabi’iyey wasaaraddii gargaarka, halka wasaaradda dastuurka oo gooni u taagneyd lagu daray wasaaradda cadaaladda, waxaa sidoo kale la soo kordhiyey wasaarad lagu magacaabo bay’ada iyo isbedelka cimilada.