27.5 C
Mogadishu
Sunday, June 22, 2025

Mulkiilaha Radio Shabelle “Caawa xor ayaan nahay markii aan bixinay lacag”

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) Waxaa caawa xor ah oo dib u helay xoriyooda agaasimaha Idaacadda Shabeelle Cabdi Maalik Yuusuf Maxamuud iyo wariye Maxamed Bashiir Xaasho oo ka tirsan Shabeelle, kaddib markiiay xukuntay maxkamad.

Ilo xog ogaal ayaa u sheegay Shabakada Caasimada Online in la bixiyay lacagtii la sheegay in ay ku iibsan karaan xarigooda oo kala ahaa hal sanno iyo lix bilood.

Maxkamadda Gobalka Banaadir ayaa maanta oo Isniin ah ku xukuntay Mulkiilaha Idaacadda Shabeelle lix bilood oo xarig, maadama Idaacadiisa ay baahisay warar lid ku ah amniga dalka.

Maxamed Bashiir ayaa lagu eedeeyay isna in uu wareystay gabar suxufiyad ah oo sheegtay in ay kufsadeen wariyaal u shaqeeya Idaacadda dowladda ee Radio Muqdisho.

Idaacadda Shabeelle oo dowladda ay xirtay bishii October ayaa hadda shaqeysa waxaana ay u soo guurtay dhismo kale markii ay ka soo guurtay dhismihii horre.

Idaacadda Shabeelle ka mid ah idaacadaha ugu afka dhexee Muqdisho, waxaana jirra dad badan oo jecel balse waxaa hubaal in ay baahiyaan warar khalkhal galin kara ammaanka dalka sida ay lee yihiin xeel dheerayaal saxaafad.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

 

- Advertisement -

Read more

Local News