25.4 C
Mogadishu
Monday, June 16, 2025

Xog + Sawirro: Gaas oo Muqdisho geeyey $4 milyan (Yuu taageerayaa?)

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland, C/weli Cali Gaas oo shalay gelinkii danbe kasoo degay garoonka diyaaraddaha Muqdisho ayaa socdaalkiisa wuxuu la xiriiraa sidii uu u garab istaagi lahaa Cumar C/rashiid oo ka mid ah murashaxiinta madaxweyne.

Warku wuxuu intaa ku darayaa in C/weli Gaas uu lasoo degay lacag cadadkeedu dhan yahay Afar milyan oo dollar, taasoo uu ugu talagalay ololaha Cumar C/rashiid in lagu bixiyo.

Lacagta Afarta Milyan ee Gaas uu la yimid Muqdisho ayaa ah mid inteeda badan laga soo qaaday ganacsato uu ku wareejiyay gaadiidkii dowladda Imaaraadka iyo Mareykanka ugu deeqay ee  Bullet Proof-ka iyo lacagihii canshuurta ee Puntland.

30 ka mid ah gaadiidka  Bulletproof-ka ayaa laga iibiyay ganacsato reer Muqdisho ah, halka qaar kale weli ku jiraan gacanta ganacsatada Puntland ee lagu wareejiyay.

Cumar C/rashiid ayaa u qeyla dhaamiyay C/weli Gaas, isagoo ku beer laxowsaday in Xasan Sheekh-ba taageerayaan maamulada Galmudug iyo Koonfur Galbeed, sidaasi darteedna uusan ka maarmin taageerada maamulka uu dhalasho ahaan kasoo jeedo.

Cumar C/rashiid ayaa ololahiisa doorashada hoos u dhac weyn uu ku yimid, kadib markii dowladda Imaaraadka Carabta ka waayay dhaqaalihii ay u ballan qaatay, una deyrisay.

Wafdiga Gaas ayaa waxaa ka mid ah Guddoomiyaha baarlamaanka Puntland Axmed Cali Xaashi, wasiiro ka tirsan maamulkiisa iyo mas’uuliyiin kale, kuwaasi oo si wada jir ah inta ka harsan waqtiga doorashada gelaya olole balaaran oo lagu taageerayo Cumar C/rashiid.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

- Advertisement -

Read more

Local News