MUQDISHO: Maalin walba hooyo ayaa ooyneyso, ilmo ayaana agoontoobayo

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa isa soo taraya dilalka, dhaawaca iyo waxyeelada shacabka loogu geysanayo magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, iyada oo walaaca iyo qaylo dhaantooda ay gaartay meel sare, balse ma jirto cid wax ka qabaneysa.

Hooyo Xaliimo Sacdiyo oo shalay wiilkeeda Anas Yuusuf Maxamed uu askari ku dilay inta u dhexeyso  isgoyska Banaadir iyo Isbitaalka Digfeer ee degmada Hodan ayaa ka hadashay dhibaatooyinka ka jira caasimada, gaar ahaan xaaladaha ay wajahayaan Waalidiinta.

Waxa ay sheegtay marka laga soo tego dilka wiilkeeda in magaalada Muqdisho maalin kasto dad lagu dilo, isla-markaana ay ilmeeyaan Hooyooyin, caruurna ay agoontoobaan.

Dhacdooyinkan ayey tilmaamtay in ay soo noq-noqdeen, waxayna ugu baaqday madaxda dowladda federaalka ah ay wax ka qabtaan dhibaatooyinkaasi.

“Waxaan way dhacaan wayna soo noq-noqdaan ma’an midkeyda kaliya waxa aan u hadlaayo, keyga waqtigiisa ayaa dhammaaday laakiin qiso mar walba taagan ayaa jirta, waxaan ka codsanayaa madaxda wadanka inay wax ka qabtaan arrintaan,” ayey tiri.

Sidoo kale waxa ay Hooyo Xaliimo raacisay “Maalin walba hooyo ayaa ooyneyso, maalin walba ilmaa agoontoobaayo, waxay ku agoontoobaayaan waa wax aan macno laheyn,”.

Anas ayaa ahaa Wiil Dhakhtar ah, sidoo kalena ahaa wade Mooto Bajaajle, wuxuuna ahaa Aabe laba xaasle ah, sida ay xaqiijisay Hooyadiis oo warbaahinta la hadashay.

Ehellada ayaa sheegay in aysan aasi doonin maydka, illaa ay ka helayaan cadaalad, si loo soo qabto askarigii ka dmabeeyey falkaasi oo goobta ka cararay.